Gudomoye Cirro Oo Booqday Xaruunta Gadhow Ee Magalada Burco Oo ah Xaruun inta Badan ay isugu Yimadeen Aqoon-Yahan Gobalka Togdheer + Sawiro‏

0
672

Gudomoye Cirro Oo Booqday Xaruunta Gadhow Ee Magalada Burco Oo ah Xaruun inta Badan ay isugu Yimadeen Aqoon-Yahan Gobalka Togdheer

Burco (Warsugannews) iyadoo Maalmihii u Danbeyay Uu Magalada Burco ku Sugnaa Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani ahna Gudomiyaha Barlamanka Somaliland C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Oo Tan iyo Maalintii Shalay ahayd Kormero Baladhan ku Gala Bixinayay Gudaha Magalada Burco Gaar ahaana Goobaha ay inta Badan Bulshada Qaybaheeda Kale Duwani ku Kulmaan,

Ayaa Waxa Uu Maanta Gudomiye C/Raxmaan Cirro Safar Kadis ah ku Tagay Xaruunta Gadhow Oo ku Taala ka Soo Horjeedka Hotel City Plasa Goobtasi Oo ah Madal ay isugu Yimadeen Badiba Aqoon-Yahanka Gobalka Togdheer inta Badana Lagu Falan-Qeeyo Arrimaha Siyasadda iyo Wacyiga Dalka ka Jira,

Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka ah Wadani C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa Markii Uu Gaadhay Madashaasi Waxa Uu Kala Kulmay Soo Dhawayn Aad u Qiimo Badan iyadoo Aqoon-Yahankii Madashaasi ku Sugnaa Dareenkooda Laga Dheehan karayay Siday ugu Faraxsan Yihiin Geesinamada iyo Kalsoonida Uu Gudomiye Cirro ku Yimi Madashani Oo ay Shegeen in Aanay Hore u Dhicin in Musharax Madaxwayne Yimaado Goobtani ay ku Kulanto Aqoon-Yahanka Gobalka Togdheer Ee Gadhow,

Dhinaca Kale Gudomiye C/Raxmaan Cirro ayaa Dareenkiisa Laga Dheehan Karayay Siduu Ugu Faraxsan Yahay inuu Kulan Noocani Oo Kale ah la Qaato Aqoon-Yahanka Gobalka Togdheer,

Sidoo Kale Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani ayaa isla Galabtaba Lagu Dhex Arkayay Gudaha Magalada Burco isaga Oo Uu Gudomiye Cirro Saaran Yahay Gadiidka Yaryar Ee Loo Yaqaano Bajaajta amaba Tigta,

Waxaana Dadwaynihii ku Sugnaa wadooyinka Uu Gudomiyuhu ku Dhex Marayay Bajaajta Lagu Arkayay Dadwayne Tirro Badan Oo ku Faraxsan Geesi-nimada Uu Cirro Samayay, Waxaanay Dadwaynihii arkayay Gudomiyaha ku Dhawaqayeen Hadalo ay ka Mid ahayeen “ Madaxwaynaha Mustaqbalka Soo Dhawoow,Reer Burco Diyaar ayay ku Yihiin Gudomiye Cirro inay ku codeyeen”

Ugu Danbayntii Waxa Uu Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro Safar Lug ah ku Tagay Hotel City Plasa Oo ah Goobta Uu Magalada Burco ka Degan Yahay Gudomiyuhu

DSCF5983

DSCF5991

DSCF6003

DSCF6006

DSCF6010

DSCF6011

DSCF6014

DSCF6017

DSCF6022

DSCF6030

DSCF6033

DSCF6039

DSCF6050