Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Ciro oo tamashlayn ku jira iyadoo laga sugayo in uu ansixiyo Xeerkii lagu dooran lahaa golahaWakiilada cusub‏

0
321

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane cabdiraxmaan ciro ayaa gabay shaqadii qaranimo ee uu qaranka u hayay kadib markii uu ku mashquulay in uu dano gaar ah oo xisbiyeed uu ka door bido ansixinta iyo dejinta xeerarka muhiimka u ah golaha wakiilada Somaliland. Labada xil ee uu isku hayo gudoomiye cirro oo aan is qabanayn ayaa sabab u ah xil gudasho la,aanta hadhaysay isaga, waana ta in badan dad badani oo siyaasada aqoon u leh ay wax aan suuro gal ahayn ku tilmaameen in labada xil ee uu isku hayo cabdiraxmaan cirro aanay suuro gal ahayn oo aduunkana aanay ka jirin horena uga dhicin, saamayn balaadhan ku yeelanayso hanaanka qaranimo ee dimuquraadiga ah. Hadaba gudoomiyaha golaha wakiiladu 12 sanadood ee uu xilka hayay waxa uu samayn kari waayay ama tahli kari waayay xeerkii lagu dooran lahaa golaha uu madaxda ka yahay. Sidoo kale inta uu xeerkani maqanyahay waxay ahayd in uu u arko ansixid la,aanta xeerkan waran ku taagan uu oo saamayn ku yeelanaya nidaamka sharciyeed ee golaha wakiilada lagu imanayo. Waxayna ay ahayd in uu mar kasta ka hadlo sidii loo dardar gelin lahaa xeerkani. Xil gudashada ugu wayn ee hadhaysay gudoomiyaha ayaa ah in ay nadir tahay inta uu wadanka joogo, oo xaalkiisu waxa uu noqday mar uu dayuurada sii saaran yahay ama soo saaran yahay, Mar uu soo degay oo Madaarka la dhooban yahay oo la soo dhawaynayo ama la sii dhawaynayo iyo mar uu dalka debadiisa wareegayo oo xafladiba xaflad u dhiibayso arinkiisuna yahay HA WAREEGTO GIRAANTU. sidoo kale gudoomiye ciro ayaa ku tilmaaman qaadhaan urursi iyo tamashalyn uu ku hayo jaaliyadaha Somaliland ee jooga qurbaha, sida ka muuqata oo warbaahinta laga arkay gudoomiye ciroo oo jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan maraykanka uu ku guubaabinayo in ay hantidooda iyo dahabkooda u xaraashaan isaga. Isku soo duuboo gudoomiye cirro waxa uu Qaranka uu u hayaa xil aanay musharixiinta kale uu la tartamaya aanay u hayn oo aan lagula xisaabtami doonin laakiin isaga aan bun laga dhimi doonin ee lagula xisaabtami doono. Isagiina umaba jeedo nin xilba ka saaran yahay Golaha Wakiiladana isumuu dhigin. Calaa kuli xaal wuxu isu arkaa Madaxwaynaha aan weli la dhaarin ee mustaqbalka dhaw. Qoraa-

Qore: Guuleed Gardaadshe, Norway
Guledgardaadshe@gmail.com