Gudoomiyaha Hay”ada Jimciyatul Axbaab Oo Hambalyo u direy Bulshada Reer Somaliland iyo Guud umada Muslimiinta ah Munaasibada Ciidul Adxada Awgeed

0
396

Gudoomiyaha Hay”ada Jimciyatul Axbaab Oo Hambalyo u direy Bulshada Reer Somaliland iyo Guud umada Muslimiinta ah Munaasibada Ciidul Adxada Awgeed

Hargeysa(Warsugannews)Gudoomiyaha Haayada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur ayaa waxa uu Hambalyo u direy Bulshada Reer Somaliland iyo Guud ahaanba Muslimiinta Caalamka Munaasibada Ciidul Adxada awgeed ,Gudoomiyuhu waxa uu sidaasi Warsaxaafadeed uu goor dhawayd ka soo saarey Xafiiskiisa waxaanu u dhignaa sidan:-

Anigoo ku Hadlaaya Magacayga iyo ka Haayada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) waxa aan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba munaasibada Ciidal Adxa awgeed

Jimciyatul Axbaab waxa ay munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu leeyahay Ciid Mubaarak,Ciidal Caafiya,Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr. waxaa sida oo kale uu Illaahay uga baryeyaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay Sanadka,Sanadkiisa ay bash-bash,barwaaqo iyo caafimaad qab ay ku gaadhaan,Inta Xanuunsanaysa ee jiiftana uu Illaahay uga baryeyaa in uu Xanuunka ka dulqaado,Caafimaadna siiyo,Sida oo kalena intii dhimatayna Alleh u danbi dhaafo una naxariisto.

Amiin Amiin Amiin
Wa Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr
Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab
Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here