Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummaddaha kala duwan ee dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland curashada sannadka cusub ee 2016

0
311

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILANS

(KULMIYE)

REF: XK/XGX/0042174/2015                                                                           Date: 31/12/2015

Ujeeddo: HAMBALYADA SANNADKA CUSUB ee Guddoomiyaha KULMIYE

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummaddaha kala duwan ee dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland curashada sannadka cusub ee 2016 ee taariikhda Miilaadiga oo kowsanaya saqda dhexe saacadda Geeska Afrika ee Jimcaha caawa (01/01/2016).

Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu sannadkani noqdo mid khayr qaba, dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkiisuna badhaadhe ku waaraan, nabadgalyo, barwaaqo, horumar iyo aqoonsi buuxa oo ay helaan ku dhammaystaan, sharkiisa iyo balaayadiisana uu garab mariyo.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu leeyahay shacabka sannad wanaagsan ‘kullu Caam wa-antum bikhayr.’ ‘’\ 

Aamiin……Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE