Gudoomiye Cirro Oo Safar Aan Horey Loo Sii Shaacin Maanta Ugu Ambabaxay Dalka Filland, Iyo Ujeedka Safarkaas.

0
338

Hargeysa-(Warsugannews)-Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Filland sida ay ilo xogogaal ahi oo ku ag dhaw ay noo xaqiijiyeen,Gudoomiye Ciro ayaa garoonka Caalamiga ah ee Egal ee magaalada Hargeysa ku sii dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu;min Seed iyo xubno ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Xisbiga.
Safarkan kadiska ah ee uu gudoomiye ciro ugu baxay dalka filland ayaa ilaa haatan la ogayn waxa uu daaran yahay balse ilo xogogaal ah oo aanu helayno ayaa sheegaya inuu gudoomiyo cirro kulllamo iyo hawlo shaqo oo ku aadan dardar galinta hawlaha Xisbiga iyo arimaha qaranka uu u hayo ka qabanayo dalkaas uu maanta u amababaxay iyada oo waqtiga doorashada somaliland dhacaysna Dhawaan la cayimay.

warsugannews

wargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here