Gudoomiye Faysal iyo waftigii galabnimadii soo gaadhay Degmada Ceel Afwayn ee Gobolka Sanaag .

0
407

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo waftigii uu hogaaminayay ee socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland ayaa galabnimadoo soo gaadhay Degmada Ceel Afwayn ee Gobolka Sanaag .

Waxaana Duleedka Degmadaasi Gudoomiyaha iyo Waftigiisa kaga hor yimid dadwayne faro badan oo wattay gaadiid sidoo kalena kor u lulayay caleemo qoyan , iyadoo Gudoomiyaha iyo waftigana loo soo galbiyay Gudaha Magaalada Ceel-afwayn .

Munaasibad soo dhaween ah oo Gudoomiyaha lagu qaabilay ka dib waxaa halkaasi kalmado ka yidhi Wax Garadka iyo Murashaxiinta ka soo jeeda Deegaankasi oo u sharaxan Doorashooyinka Golaha Wakiilada waxaanay sheegeen in Ay Gudoomiyaha ku Soo dhaweenayaan Qalbi furan iyo niyad saafi ah .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa si wayn uga mahad naqay soo dhaweenta balaadhan ee lagu qaabilay .isagoo ka warramay taariikhda Degmadan iyo sidii ay isusoo barbar istaagtay Xisbiga Ucid wakhtiyadii doorashada .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa soo qaaday kana sheekeeyay Taariikhda Degmadani iyo kaalintii ay ku lahayd halgankii SNM , isagoo soo qaatay taariikh si gaar ah isaga kaga dhacday Degmadani muddo laga joogo Dhawr iyo afartan sanno isagoo arday ah , waxaanu soo dhaweeyay taageerada mugga leh ee Degmadani ay u muujisay Xisbiga Ucid .

Ugu danbeentii waxaa halkaasi Gudoomiyaha lagu gudoonsiiyay Buug laga qoray Taariikhda Degmada Ceel-afwayn , sido kalena xadhiga ka jaray Xafiis Cusub Oo uu XIsbigu ku yeelan Doono Degmadaasi .

Geesta kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Waftigiisa ayaa caawa ku soo hoyday Degmada Gar-Adag iyadoo Gudoomiyaha iyo Waftigiisa lagaga hor tagay Duleedka Magaalada Goor Habeennimo ah iyo Gudoomiyaha oo si faraxadi ka muuqato ugu mahad naqay Soo DHaweenta Lagaga hor tagay Isagoo sheegay in uu ka filayay Reer Gar-adag soo dhaweentan heerka sare ah .
IMG_6162

IMG_6167

IMG_6176

IMG_6181

IMG_6183

IMG_6189

IMG_6192

IMG_6196

IMG_6205

IMG_6208

IMG_6210

IMG_6223

IMG_6237

IMG_6239

IMG_6250

IMG_6260

IMG_6272

IMG_6277

IMG_6320

IMG_6332

IMG_6341

IMG_6345

IMG_6397

IMG_6402

IMG_6406

IMG_6414