Gudoomiye Ku xigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Ka Digay Khilaf Kuyimaada Qabashada Shirka Golaha Dhexe

0
366

Gudoomiye Ku xigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Ka Digay Khilaf Kuyimaada Qabashada Shirka Golaha Dhexe

Hargeysa(Warsugannews) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ka mid ah isbahaysiga guddiga fulinta ayaa ka digay khilaaf ku yimaadda qabashada Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, waxaanu sheegay in Mustaqbalka xisbigu ku xidhan yahay sida loo maamulo Shirkaas.

Xildhibaan Waabeeye oo ka mid ahaa Soddomeeyo Xubnood oo ka qayb-galay Shir Albaabadu u xidhnaayeen oo ay Caawa Huteel Maansoor ku yeesheen aqlabiyadda guddiga fulinta iyo saddexda Musharrax ee kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) ayaa Saxaafadda u sheegay inay shirkaas ku go’aansadeen inay Sabtida berri qabtaan shir ay kaga hadlayaan xaaladda KULMIYE ee wakhtigan, Shirka Golaha dhexe iyo hadal uu Xoghayaha guud ee xisbigu Shalay ku sheegay in xubnaha Golaha dhexe kaadhadhka loo qaybinayo Sabtida.

Xildhibaan oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Waad aragtaan culayska shirku leeyahay, Maadaama oo uu ka soo baxayo Madaxweynaha Mustabalka ee xisbiga KULMIYE, markaa in guddiga fulinta iyo Golaha dhexe shiraan waa dabiici oo habeen walba waanu shirnaa, waxaana laga hadlayaa sidii shirkaasi u hagaagi lahaa ee uu si hufan oo Caddaalad ah ugu dhici lahaa”

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), waxa uu tilmaamay inay Shirar doceedyada socda uga dan leeyihiin inay jilciyaan sida uu Shirka Golaha dhexe u dhacayo “Waxaanu go’aansanay inaanu jilcino sida loo gelayo shirka, waayo? Mustaqbalkii KULMIYE waxa uu ku xidhan yahay habka loo maamulo shirkaa. Markaa anagoo ah xubno dhowr iyo Soddon ah oo guddiga fulinta, xubno Baarlamaanka ka mid ah iyo Golaha dhexe ah ayaanu halkan (Maansoor) ku tashanaynay waxaana Musharraxiinta intooda badan isla qaateen in Sabtida aanu qabanno shir weyn oo aanu kaga hadlayno arrimaha xisbiga” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu kaga hadlaynaa shirka Sabtida waxaad ogeydeen in Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE uu ku baaqay in Maalinta Sabtida la is-diwaangeliyo oo la qaato Kaadhadhka Golaha dhexe, laakiin Musharraxiintu waxay u baahan yihiin inay helaan cid wakiil uga ah qaadashada kaadhadhka oo ka hubisa in dadka kaadhadhka qaadanayaa yihiin Golaha dhexe, Waayo ? siyaasaddu aamin malaha”.

Xiisada Loolanka Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa ah mid aan wali xalkeedu muuqan balse, marba marka ka dambeysa dabka usii hurineysa Khilaaf cakiran oo kuyimaada Xisbigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here