Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed ayaa maanta kullan balaadhan oo ay ardayda Cusub Ee Sannadkan galaysa Jaamacadda Camuud ku qabsadeen Hoolka weyn Ee Hotel Haldoor Boorama.

0
346

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed ayaa maanta kullan balaadhan oo ay ardayda Cusub Ee Sannadkan galaysa Jaamacadda Camuud ku qabsadeen Hoolka weyn Ee Hotel Haldoor Boorama.

Boorama(Warsugannews)Furitaankii Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeen Axmed Mu’min Seed waxa uuna ardaydii munaasabadan ka soo qayb gashay kula dardaaramy inay waxbarashada Sii xoojiyaan si ay u xaqiijiyaan Himiladooda Mustaqbalka Dhaw iyo kan dheer,waxa kale oo uu gudoomiye Seed Sheegay in waxbarashadu u baahantahay Samir ,Dulqaad iyo dadaal Badan si qofku u gaadho hadafkiisa.

Ugu Danbayn Gudoomiye Seed waxa kale uu uu ardaydaas u sheegay in isbadalkii dhaw yahay ka xisbi ahaana marka ay Xukunka qabtaan ay muhiimada ugu horeysay ka dhigayaan sidii dhalinyarada Aqoonyahanka ah loogu Samayn lahaa Shaqo abuuris aysan qabyaaladi la socon oo qof walba aqoontiisa ku ciil bixi doono,waxa kale oo uu gudoomiye Seed kula dardaarmay inay iska ilaaliyaan Tahriibka iyo mukhaadaraadka kuna dadaalaan Cilmiga ay barayaan iyo cibaadada Eebe Subxaanahu Watacaalaah.
IMG_1555

IMG_1526

IMG_1527

IMG_1530

IMG_1532

IMG_1533

IMG_1534

IMG_1535

IMG_1536

IMG_1537

IMG_1538

IMG_1541

IMG_1544

IMG_1549

IMG_1552
Sidoo kale waxaa isna halkaas hadal soo dhawayn iyo dhiiri galin ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Camuud Prof. Diiriye iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Boorama-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here