Gudoomiye Muuse Biixi Oo Ka Hadley In Uu Madaxweyne Siilanyo Is Casilaayo Hadii Muddo Kordhin La Sameeyo?

0
287

Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ka hadley wararka sheegay in uu madaxweyne Siilanyo is
casilaayo hadii muddo kordhin la sameeyo oo uu xilka ku wareejin doono ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici isla markaasna Muuse Biixi arintaasi werwar xoogan ku heyso
Muuse Biixi waxaa uu sheegay in wararkaasi aanay aheyn qaar jira isla markaana madaxweyne Siilanyo kursigiisa fadhiyi doono
“Warkaasi waa warka ay wariyayaashu ku sheekeyaan , Madaxweyne Siilanyo kursigiisa ayuu joogayaa , waa madaxweyne la doortey , maxkamad baana jartey in maalintaas la qabto doorashada isaguna ma bedeli karo” ayuu yidhi Muuse Biixi