Habka Dhaleeceenta Ama Cambaaraynta Saxan W:Q/ Eng Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)

0
322

Habka Dhaleeceenta Ama Cambaaraynta Saxan W:Q/ Eng Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)

Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo Bini Aadam ah La Dhaleeceeyo oo la Cambaareeyo Ama Uu Wax Dhaleeceeyo oo uu Cambaareeyo Isagu, haboontahayna in loo dhigo dhaleeceenta curunteeda iyo xalinteedaba Mid Xirfadaysan oo Aqoonaysan oo aan ahyd iskala soo bood uu.

sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan Qormadan kooban ee aan ka Qoray Arimaha kobcinta iyo dhisida nolol hagaagsan oo aan wax qodax ah lahayn. xxxxxxxx Qodobadiina waa Sidan:-

01/10/2015

Waxaa Dhacda in Badanaa inta aynu Noolnahay aynu La Kulano Dhaleeceen ama Eedo lagu Soo Jeedinayo dariiqaydoonto hasoo martee.

Ma samaynaa waxa inala gudboon ee aynu uga faa”idaysan karo dhaleecayntaa ama eedaa la ino osoo jeediyo?

Eedaynkasta iyo Dhaleeceenkasta oo la inoo Soo Jeediyaa waa shay muhiim ah waa hadii aynu rabno inaynu horumarino nafaheena Horena Usocono, sidaa daraadeen waxaa loo baahanyahay in aynu soo dhawayno oo qaabilno qofkastoo dhaleeceen inoo soo jeediya.

Midna Ogow Akhristow Shaksi kastoo mujtamaca kugu xeeran ka mid ah uma qiimaynayo Naftaada sida aad adigu u Qiimaynayso.

Dadkuna waxa ay kuu dhaleeceen karaan ama kuu eedayn karaan si toos ah ama si aan toos ahayn ba.

Xaaladan adagna waxaa lagaaga baahanyahay inaad noqotid mid dhagaysta dadka iyo asxaabtaada ku dhaleeceenaysa, ama eedaha kusoo jeedinayaan ixtiraama qaatana dhaleeceentooda.

Markasta oo uu qof ku dhaleeceeyo ama ku cambaareeyo waa inaad u qalbi furnaataa dhaleecayntaadaas adigo oeegaya waxa ay ku leeyihiin dadka wax dhaleeceenaya ee aan eegay qaabka ay kugu soo gudbinayaan dhaleeceentooda.

Waa inaad baadhis ku samaysaa aaraa”da cad ee lagu soo jeedinyo, sidoo kalena waa inaad dajisaa qorshe aad uga faa”idaysanyso dahleecayntaas ama cambaarayntaas.

Halkan Hoose Waxaan kugula Wadaagi Doonaa Afar Qodob oo Lagaa Rabo marka Shkhsi Dhaleeceen kugu soo tuuro ama ku Cambaareeyo Waxaad Samaynlahayd:-

Marka hore ee shakhsi ku dhaleeceeyo ama ku Cambareeyo Noqo Mid dhagaysta akhriya u dhaga furnaada Dadka wax dhaleceynaya, adigoon eegayn Qaabka iyo Asluubta ay kugu soo gudbinayaan Dhaleeceentoodaas, Midna Ogsoonow Akhristow in Dhaleeceentu ama cambaarayntu sideedaba aanay ahayn Arin Fudud, maxaa yeelay waxaad la kulmaysaa dhaleeceeyayaal ama cambaareeyayaal aan garanayn qaabka wax loo dhaleeceeyo ee loo Cambaareeyo ee Xirfadaysan. Ka Fogow Fal celinta Caadifadaysan eek u Waajahan Dhaleeceenta iyo Aaraada dadka kale ee lagu soo jeedinayo,
Baadh Aar”aada iyo dhaleeceenta dhaw ee Cad lana xalinkaro isla markaaba, Tusaale ahaan hadii Mid ku dhaleeceenaya ku dhaho “Waa Inaad iska hagaajisaa Hadalka”. Waa dhaleeceen badheedh ah balse aan cadayn, markaas waxaa lagaga baahanyahay inaad waydisid inuu dhaleeceentiisa Xadido “ma dhanka hodhacaa mise waa gabagabada iyo Isku xidhka Hadlakayga”. Mar marka qaar waxaad la kulmi doontaa Fikiro iyo dhaleeceen is burinaysa lkn adiga mida kula gudboon ayaa ah inaad aqabshid oo soo dhawaysid, Tusaale ahaan Waxaad La Kulmi Kartaa dhakhsi ku leh “Qaabki aad Bulshada u Eegaysay Markaad Hadlaysay way fiicnayd” iyo mid ku dhaha “Qaabkii aad Bulshada u Eegaysay markii aad khudbadaynaysay way Xumeed” Halkaa waxaa lagugu soo gudbiyey Xaqiiqooyin Jira. Saa owgeed waxaa dhici karta in bilowgii hadlakaaga aad daka si wacan u eegaysay Balse gabagabadii aadan si wacan u eegayn, saa Owgeed waxaa kula gudboon in aad waydiisid labada qof ee ku dhaleeceenaya asbaabta iyo waxyaabaha ay ku xukmiyeen dhaleeceentooda iyo cambaarayntooda.
Qiimee dhaleeceenta laguu soo jeedinayo oo Fahan, maxaa yeelay khasab maahan in aad fahantid dhaleeceenkasta oo lagu soo jeedinayo, kadib u adeegso xirfadaada xalineed adigoo dhaleeceeyaha ama cambaareeyaha si dibicsan ula hadlaya.
Gabagabadii dejiso qorshe aad ku xalinaysid dhaleeceenahaas lagu soo jeedinayo, kadib qor points ka dhaleeceentaasi ka duulayso xalkeedana u fadhiiso, hana noqon qof ay dhibayso ama xasaasiyad ka qaba dhaleeceemaha kulul ee qadhaadh, ee noqo qof ku cibro qaata oo xashar ka barta. Waa Hubaal inaad la kulmaysid dhaleeceeno kala gadisan oo kala durugsan kala xanuun badan, lkn Ha Ka tagin ixtiraamka iyo dhagaysiga qofka hadba ku dhaleeceenaya eek u cambaaraynaya.

Gabagabadii Akhristoow Hadii aad Tahay qof Jecel Wax Dhaleeceeya ama mid La Dhaleeceeyaba Waxaa kula haboon in aad u martid hab xirfadaysan oo aqoonaysan dhaleeceentada curunteeeda iyo xalin teedaba.

Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida(Siyaasada, Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Ale.

وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ )

Waad Mahadsantihiin

Mahbuub Hussein Ismail

Email: engmahbuub@hotmail.com

Tell: 063-4331708 / 065-9309754

Burao Somaliland

Facebook: https://www.facebook.com/MrBurao

.