HADDII CIRRO IYO BAASHE HESHIIYEEN IYAGAY U TAALLAA WAA YEELKADOOD.

0
401

HADDII CIRRO IYO BAASHE HESHIIYEEN IYAGAY U TAALLAA WAA YEELKADOOD.

Heshiiska ay gaadheen cirro iyo baashe iyaga ayuu khuseeyaa,waxa la odhan karaa waa heshiis shakhsi ah,wax khuseeya shacbigana ma aha,dhaqan ahaan kolka loo fiiriyo sideedaba raggu haddii ay is dagaalaan,waa wax caadiya in midkood dhaho,aan isa saamaxno,kan kalana inuu sidaasi kula qaato waa wax dhaca,baashe heshiiskuu la qaatay cirro dabcan waa arrin sifahaasi ku arooraysa,hase ahaatee xaqiiqada meesha taallaa waxay tahay,ceebaha iyo dunuubta iswada barkan ee ninkan gudoomiyaha sheeganahayaa uu qarankani ka galay cida cafiyi kartaa yey tahay.

Aan tusaale dhow idin siiyo,waar ma waanu ahayn cirro ninka isagoo guddoomiye parlament sheeganaya oo hadana leh madaxweynaan doonayaa, sidii ciyaala suuqa golihii uu hoggaanka u ahaa ku dhex dagaalamaya,bal u fiirso dhaqanka xun ee aan hore uga dhicin caalamka ee uu dariiqa u jeexay,
Tusaalahaa xun ee uu muujiyay miyaanu ahayn mid wasakhaynaya dhaqanka xildhibaanno ku sheeggan imika joogga iyo kuwa mustaqbalka ee soo socda intaba,taasi miyaanay ahayn fal denbiyeed dalka laga galay,
Xaggee bay jiraan raggii baashe ka dilayay dhabarka danbe ee ina buubaa,curad iyo kuwa kale lahaa,iyo siciid cilmi rooblihii isku diray kolka hore,yaase ka heshiiyay cunsuriyaddaas iyo godobtaasi.
Miyaanu cirro ahayn ninka isagoo madaxweyne doonaya kaga baaqay burco mudaharaadka isagoo ku andacoonaya kursigii baarlamaankaa layga qaadayaa,ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh, mudaharaadkii uu maatida ugu baaqay keenay.
Miyaanu ahayn ninkii aynu ka baranay CIRRO in isagoo fursad ka helaya goldaloolooyinka sharci ee jira iyo xeerar la’aanta uu khiyaameeyo xisbigii uu kasoo baxay kursiga gudoomiyaha wakiiladana fadhiisiyay.

Sidaa kagamuu hadhine miyaanu haddana inantii qasnajiga u ahayd xisbiga UCID oo ay isaga isku qolo ahaayeen ku odhan qasnadii iyo wixii ku jirayba lasoo baxso oo xagan lasoo qabo,
-miyaanu ahayn ninka isagoo ka faa iidaysanaya xeerarka aan jirin ee ay samayntooda ka baaqsadeen isaga iyo kooxdiisu,uu ku doodo, inuu xaq u leeyahay inuu guddoomiyaha wakiiladana ahaado,xisbina ka noqon karo gudoomiye,ee ilaa imika shuruucdii dalku ka dhaqaaqi la’adahay.

Miyaanu ahayn ninka go’aanadii ay ansixiyeen goluhu ee ay baas gareeyeen ,iyadoon la ogayn wax kale hawada kaga sii bedelay,ee dalkaba khalkhalka geliyay,kolkii danbena goor la jabay iska yidhi raali ha layga ahaado waan gefay’e.
Guntii iyo gebagebadii waxaan leeyahay haddii qofksta oo qarankan denbi culus ka gala qabiil lagu tix geliyo,dee wax inoo dhismayaa ma jiraan,been baanaynu isu sheegaynnaa,maah in qabiil hebel la eegto ee waa in qaran nimadu shaqeeysaa,ninkan ciro la leeyahayna denbigiisa meel la saaraa,qarnkuna uu helaa qareen u dooda oo jariimadaha laga galay soo ooga,haddii kale miyaa ,dee meesha inagu kala kexeeya wax soomaliland la yiraahdaa ma jiraane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here