“Haddii Uu Axmed Siilaanyo Walaalkii Ama Inadeerkii Uu Xisbi Kale Galo Ma Soo Faragelin Jirin, Annaguna Ka Noo Dhow Maan Faragalin Jirin…” Faysal Cali Waraabe

0
229

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga hadlay musharraxiinta beesha ayuub oo Xisbiga KULMIYE soo diiday iyo Musharrax kamid ah musharraxiinta Xisbiga UCID, kaas oo ay isna xeer illaalintu u diiday inay siiso warqada dabi la’aanta

Guddoomiye Faysal Cali waraabe ayaa sheegay in reer yar iyo mid baddan-ba loo siman yahay dheefta iyo dhibta dalka,waxaanu wax laga xumaado uu ku tilmaamay in Xisbiga KULMIYE u soo diiday inuu aqbalo musharraxiinta Beesha Ayuub“ Reer Baddan iyo reer yar-ba waa loo siman yahay dalka dheeftiisa iyo dhibaatadiisaba waa loo siman yahay, markaa aad ayaan uga xanaaqay ugana naxay markii la yidhi Beeshii reer Xaaji Ayuub Sheekh Isaxaaq ayaa KULMIYE uu yidhi kursi idiinma hayo musharraxnimo aad ayaan uga naxay .” ayuu sheegay

Waxaanu Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu intaas ku daray “Annaga oo markaa 20-kii xubnood-ba buuxinay ayaa salaaddii duhur markii aan u kacay aan xasuustay in hal meel aanay cuslayn oo la baddeli karro,halkii ayaan idinku baddelnay oo jaaniska sidaas ayaad u hesheen.”ayuu sheegay

Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka haddlay mushharaxiinta xidhan iyo musharrax kale oo UCID ah, kaas oo isna loo diiday in la siiyo warqada dambi la’aanta “ Laba wax ayaa nagu soo baxay oo waxa weeye laba Musharrax waa na laga xidhay wax allaale waxay sabab geysteen aanay jirin, musharrax kalena xeer ilaaliyihii ayaa u diiday warqadii dembi la’aanta , labadaa arrimood waxay ina tusaysaa in aynu la kulmi doonno dhibaato illaahay ha innaga hayee .”ayuu yidhi

Sidoo kale Guddoomiye Faysal Cali ayaa sheegay in aanay Madaxweynayaashii hore soo faragelin jirin musharaxiin, balse hadda uu Madaxweyne Biixi faragelin fool xun ku hayo musharraxiinta “Doorashooyinka Madaxweynayaashu may soo faragelin jirin barigii hore , haddii uu Siilanyo Walaalkii ama inadeerkii uu Xisbi kale gallo ma soo faragelin jirin,annaguna dadka aanu isku dhawnay haddii ay meel kale galaan maanu faragelin jirin, lakiin hadda waxa ka muuqata faragelin fool xun oo dalkeenana fool xumo u yeellaysa,Madaxweynahana fool xumo u yeellaysa ,waxa aanu leenahay arrintaa waa in laga joogaa.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu xorriyadooduu usoo celiyo musharraxiinta xidhan, isla markaana uu joojiyo amarka uu xeer illaalinta siinayo ee ah ha siinin hebel warqada debi la’aanta “Madaxweynaha waxa aanu leenahay hala soo daayo musharraxiintaa dadkan aad amarka siinayso ee aad leedahay hebel ha siinina warqada dambi la’aantana, jooji ayaanu ku leenahay Madaxweyne taasi adna wax ayey ku yeellaysaa dalkana wax ayey yeellaysaa,innagana wey iska keen horkeenaysaa axsaabta”ayuu sheegay

Gunaanadkii Guddoomiye Faysal ayaa ugu baaqay wax-garadka dalka inay Madaxweyne Biixi ay u tagaan oo ay kala hadlaan ficiladaas aan wanaagsanay ee uu ku kacayo “Taasna waxa aanu doonaynaa inay ka shaqeeyaan Salaadiinta iyo dadku oo Madaxweynaha loo taggo oo laga joojiyaa qod-qodaynta uu qod-qodayo doorashooyinka iyo xildhibaanada kasoo jeeda beeshiisa musharaxiinta inuu faraha kala baxaa ayaanu ka rajaynaynaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here