Hagbada Xisbiga Garanaye Yaa Qaata?

0
620

Hagbada Xisbiga Garanaye Yaa Qaata?

Waxaynu u baahanaya xisbiyo aan sida hagbada marba qof la siin, Xisbiyo dumqraadiya oo lagu tartamo lagagana baxo qabyaaladda iyo ardaa ardaaga. Nidaamka asxaabteenu Inuu koro oo uu qaangaadho ayaa loo baahan yahay, haddi kale waxaynu ugu xidhnaan qool marba hoggaamiye hagabada qaatay gacanatiisi oo ay galbinayaan ardaayadi soo cugay. Inta aynu xaaladda ku jiroo ee Somaliland nidaamkeeda asxaabta badan caaqli jaan goynayana ha filin samo iyo sareedo ina deeqda oo loo siman yahay. waxayn ku jiriyuun is gaashaan buuraysi marba labab beelood iyo badh is garabsadaan oo ay dawladnimada duxdeeda wadaagan inta kalana dayrshaan.

Loolanka musharraxa Kulmiye wuxuu daaha ka faydayaa dimuqraadiyad la’aan, waxa muuqata in tartanku meeshuu ku aroorayaa tahay gole dhaqan, tartanka lagu kala hadhaayo reerka dhexdiisa ee la leeyahay qoysku hakala cugo cidda tartamayasa ma u sinaan karaa Somaliland. Waxa deeqi kara ummada qof kartidiisa iyo qofnimadiisa lagu doortay, ma deeqi karo mana hirgelinkaro horumarka aynu doonayno habelbaa halganka kaa badsadee joog. Tolka kala reebi kara labba musharax waa gole dhexe maaha magwadaagta ardaagiisa, qofka la cugayaana waa masuul qaran oo la doonayo in laga iibsho Somaliland. Guusha Somaliland ta la doonaya waa sinaan caddaalad, eex la’aan iyo dastuurka oo shaqeeya,
Sida xeerarka asxaabteenu qeexayaan qofkasta oo ka mida Xisbi qaran waxbuu dooran karaa waana la dooran karaa, haddi la dhabayn lahaa oo asxaabtu ka waantoobi lahayd hebelada kootada loogu xidhay mansabka oo lagu tartami lahaa codka golaha dhexe sawirka muuqda ma jireen. Bulshadu waxay si toosa u cugan lahayd qofka ay u arkaan inuu samata bixin karo oo uu dejin karo kobta cagaaran ee baadi doonka sahanka loogu jiray guyaasha badan.

Reer hebeloow soo kala reeba oo kusoo heshiiya musharaxa doorahashada tartamaya! intaa xaalka tartanka asxaabtu yahay guuli waa weli, hoggaamiye ummada jidbixiyana haw fadhiyin, loolan caaqil saamayn ku leyahay oo midna garab saaray midna geed ku xidhay tartan maaha ee waa ilbxanimo la’aan iyo bisayl la’aan dimuqraadiyadeed, maanta hal-xidhaale u baahan furfurid ayaa Kulmiye horyaal, hadday qaranimo kaga gudbaana waa guul, haday qoysnimo kaga gudbaan waa guul daro dimuqraadiyadeed oo dhaawac iyo dhiigbax ku ah hanaanka asxaabta badan iyo geedi socodka dimuqraadiyada curdinka ah ee dalkeena.

Looma baahna tartan xajiin leh oo turxaan leh waxa loo baahnyahay tartan xarrago oo muujinaaya bisaylka dimuqraadiyada, Xisbiga Kulmiye wuxu leeyahay gole dhexe oo awood u leh xulida qofka ay u arkaan inuu dan u yahay dalka. Tolaaya anna kaa tolbada, anaa ka tacabadnaa oo dalka dhuug usoo huray berry looma baahan maanta dalku dhiig labaad in loo huro oo la samata baxash rabaa, qofka la cugaaya ha ahaado qof dalka iyo dadku u siman yihiin oo aan loo kala sokayn, Somaliland waxay u baahntahay qof sida sebiga dhawra oo ummad isu haya bari iyo galbeed sinaantana iyo samahana ka shaqeeya.

Mujaahidiinta dalku way mudanyihiin xus iyo xasuus aan duugoobin, waajibay guteen wuxuu ahaa mid xaq loogu lahaa, bulsho ahaan ilaa goorma ayay taagnan doonta dooda ah anna duurka soo galay. Dhigaad hurtay ujeedkiisi iyo naruuradiisi waata maanta lagu naaloonayo, ku nooloow oo ku faan, haku cagajugalynse oo haku hatigin ummada waajibkaad gudatay.

Guuloow sareedo iyo barwaaqo Somaliland.
Maxamed sidiiq
Msidiiq1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here