Hal aan goor danbe ogaaday; in Jaamacadda Gollis Hargeysa tahay xarunta ugu weyn ee dhididka shaqaalaha lagu xalaashado

0
638

Hal aan goor danbe ogaaday; in Jaamacadda Gollis Hargeysa tahay xarunta ugu weyn ee dhididka shaqaalaha lagu xalaashado!( Qalin Maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim)

“ Qormadan qormada xigta waxaan ku daahfuri doonaa, macluumaad badan oo ku saabsan dulmiyada jaamacaddu ka gasho shaqaalaha”
Ruggaha dulmigu ma raagaan, xuquuqda aadamuhuna wax sahlan maaha. Gollis waa meel ardayga dhigtaa aanu naxariis ka helin, ka ka shaqeeyaana aanu xushmad iyo xaqiisa midna ka helin. Shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirtaa, waxa ay dadka dhaxal siisay in ay “ Sida addoonta u shaqeeyaan.”
innoo ma dhisna dowlad xuquuqda shaqaalaha ka dooni karta loo shaqeeyaha.Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshaduna wax xidhiidh ah lama samayso goobaha noocan oo kale ah. Xataa, haddii ay u yeedho wasaaraddu, u maba yimaaddaan. Ma aqaani meesha ay awoodda ka haystaan. Dadka jaamacadda Xantaa, waxa ay odhan jireen ( Marwo Samsam Cabdi Aadan) ayaa jaamacadda ilaalisa, iyada ayaa qalin jabinta madaxweynaha u keenta, iyada ayaa deeqaha caalamiga ah u soo du’da. Sababtuna waa xidhiidh dhinaca dhiigga ah oo ka dhexeeya Samsam iyo Dr. Saed; Guddoomiyaha jaamacadda Gollis.
Cashuuraha barriga ayaa lacagtii cashuurta ku leh.
Shirkadaha adeegga internetka bixiyaa lacago badan ayay ku leeyihiin.
Shaqaale badan mushaharro gaadhay 4 bilood ayay leeyihiin.

La soco. Qaybta 2-aad
Mardahumanrights@gmail.com>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here