“Halgankii Qorigu Wuu Dhammaaday Oo Waxaynnu Ku Jirnaa Halgankii Dhismaha Dalka” Afhayeenka Shirkadda Prime Cabdikariim Ruush

0
399

“Halgankii Qorigu Wuu Dhammaaday Oo Waxaynnu Ku Jirnaa Halgankii Dhismaha Dalka” Afhayeenka Shirkadda Prime Cabdikariim Ruush

Shirkadda Prime oo soo bandhigtay awooda iyo qalabka dhismayaasha Biriijyada iyo Waddooyinka casriga, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay ka qeybgalka halganka horumarinta iyo dhismaha waddanka.

Shirkaddan Prime oo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ayaa sheegtay inay ku guuleysatay qandaraas lagu dhisayo waddo hal KM ah oo laga hirgelinayo dhismaheeda xaafadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa, isla markaana waxay been abuur ku tilmaameen warar ay ka baahiyeen qaar ka mida saxaafada Somaliland.

Afhayeen u hadlayay Shirkadda Prime oo magaciisa la yidhaahdo Cabdikariin Maxamed Xirsi (Ruush), ayaa waxa uu ka waramay baaxada qalabka ay Shirkad ahaan haystaan iyo inay qandaaska dhismaha waddadaasi ay ku heleen sifo sharciya.

“Shirkadda Prime waa shirkad weyn oo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah, haysata qalab aad u fara baddan oo ay kaga shaqeynayso Waddooyinka, Biriijyada, iyo dhismayaasha- annaga oo garanay inaan qalabkan fara baddan ee aanu keenay kaga shaqeyno horumarka Somaliland”.Ayuu yidhi Cabdikariin Ruush.

“Waxaan dhawaan ku guuleysanay qarndaraas ah waddo loo dhisayo Xaafada Axmed-Dhagax ee Magaalada Hargeysa, qandaraaskaasina waxa uu maray sifo sharciya oo ah nidaamka ay maraan qardaraasyadu, marka la eegey qalabka aanu haysano, awoodayada, iyo waxqabadkayaga ayaa waxay shirkadayada Prime ku guuleysatay qandaraaskan”.Ayuu yidhi Cabdikariin-Ruush.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Haddii aanu nahay Shirkadda Prime waxaan doonaynaa inaanu Degmooyinka ay Somaliland ka kooban tahay inaanu wax-qabadka gaadhsiino oo aanu horumarka waddankayaga kaga qeyb-qaadano.”

“Beryahan danbe waxa Saxaafadda Somaliland ku soo baxayay warar been abuura lagu majara habaabinayo dadweynaha,- qandaraaskan aanu helnay waxa bixisay Shirkad Caalamiya, waxaana u hubinayay helitaanka qandaraaskan aanu helnay guddi, hadaba waxa joornaalada iyo saxaafadda lagu soo qorey inaanu qandaraaskaas ku helnay musuqmaasuq, waxaan halkan ka caddeynayaa inaanay arrintaasi waxba ka jirin oo ay tahay dacaayad iyo been abuur sal iyo raad-toona lahayn.– waxaanan dadweynaha u sheegaynaa inay Shirkaddayadu (Prime) ay tahay hiil qaran, waxaanan leeyahay dadweynaha ha laga daayo nashuushka iyo qoraalada been abuurka. Waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegayaa inay Shirkadayadu ay u dhiganto shirkaddaha caalamka, annaga oo haysana 84 qalab oo ah kuwa wax lagu dhiso, waxaanan qalabka inaas leeg dalka u keenay waxa weeyaan inaanu horumarka waddanka ka qeybqaadano, wuu dhamaatay halgankii Qorigu ee waxaanu ku jirnaa halgankii dhismaha dalka “.

Afhayeenku waxa uu sheegay inuu dalka Somaliland uu kaga duwan yahay dalalka jaarka nabada iyo xasiloonida ka jirta, isla markaana dadka laga daaya wax kasta oo lagu waxyeelaynayo.

“Annagu waxaanu diyaar u nahay waxqabadka Somaliland iyo horumarkiisa. Qandaraaskan ay Shirkaddayada Prime ku guuleysatay Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa iyo Dawlada Dhexe midkoodna shaqo kuma laha oo waa kuwa shaqada loo qabanayo, Sidaa darteed guddida qandaraasyada qaranka iyo hay’ada Caalamiga ee maalgelinaysa mashruuca ayaa qandaraaskan bixiyay sifo sharciya oo ay Shirkadayadu ku guuleysatay”.Ayuu yidhi Cabdikariin-Ruush.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here