Halkan kaga Bogo Sawiro naxdin iyo anfariir ah oo ay shiicadu ku xusaan dabaal dega sanad guurada Xasan iyo Xuseen + halka kuwo kalena ay dhaqan kaa ka duwan aamin san yihiin
Tehran (Warsugannews) Firqada Shiicada ayaa soo bandhigtay munaasibada ay ugu dabaal degaan Xasan Iyo Xuseen, iyaga oo jidhkooda ku jar jaray mindiyo iyo waxyaalo kale, taas oo kentay inay qaarkood miyir doorsoomaan markii ay dhiig baxeen.
hadaba taariikhda waxyaalahan ay caadaysteen ayaa culimada qaarkood qabaan inay la kawsatay cahdigii Khawaariijta, Halka qaarka mid ah culimada baara taariikhda ay qabaan inay soo baxday shiicada xilligii Cusmaan bin cafaan oo qas uu ku yimid nidaamkii guud ee muslimiinta oo uu bilaawday kacdoon looga soo horjedo cusman bini cafaan foodadaas ayaa siisocotay illaa laga dilo amiirkii muslimiinta ee xilligaas cusmaan bini cafaan taas oo sababtay in ay qeebsamaan msulimiintii oo ay soo baxeen qolo ladhaho shiicadii cusmaan ama taageerayaalkii cusmaan.
Dhaqan ahaan markii la eego waxbadan ayay ka duwan yihiin dhaqanka Islaamka, waxaana caado u ah in dhiig badan la daadiyo xiliyada munaasabadaha, iyadoo caado dhaqameedkaasi ay sharci uga dhigeen waxa ay ka aaminsan yihiin diinta.
Xiliyada Munaasabadaha ayay saaxiib u noqdaan in mid waliba oo ka soo qeybgala munaasibadaa uu dhiig daadiyo ama uu iscalaamadeeyo.
Taas oo dareen gaara ku reebta muslimiinta adeecsan diinta islaamka ee xaqa ah.
Hadaba dhacdooyinkan ayaa noqonaaya kuwo ay sanad walba soo bandhigaan balse fajac iyo ama kaag kugu ridaaya markaad aragto mid yar mid weyn iyo mid dhexeba marka ay is wada qalaan ee seefaha iyo faashashka isla dhacaan sida idinka muuqata sawiradan
Hadaba waxa jira kuwo kale oo dhaqan ka duwan kaasi iyana qaba sida sawirada idinka muuqata qaarbaa intay dhoobo ismariyaan ka dib dab holciya ka dibna dhabarka u jeediya si uu dhoobadaa iyo jidhkooda isugu dhalaaliyo, halka kuwo kalena ay samaysteen xarun loo eekaysiiyey kabcadii xaramka oo kale sida idinka muuqata sawirada, halka kuwo kalena ay safaf dhaadheer u galan laamiyada ama badhtamaha wadooyina.