Halkay Ku Danbaysay Tageeradii Uu Xisbiga Wadani Ku Lahaa Gobolka Awdal Maxase Keenay In Xisbiga Wadani Agab Ciyaareedka Uu Bixinayo Iyo Koobabka Bisha Ramadaan Qabanayaan Ka Qadiyey Dhalinyarada Reer Awdal

0
433

Halkay Ku Danbaysay Tageeradii Uu Xisbiga Wadani Ku Lahaa Gobolka Awdal Maxase Keenay In Xisbiga Wadani Agab Ciyaareedka Uu Bixinayo Iyo Koobabka Bisha Ramadaan Qabanayaan Ka Qadiyey Dhalinyarada Reer Awdal..(Warbixin Xasaasi ah)

Hortan Bisha ayay ahayd markii xaflad balaadhan oo meeqaamkeedu uu aad uu saarayo lagu maamuusay isla markaana xisbiga kulmiye lagu soo dhawayey prof.axmed ismaaciil samatar Oo Mar Kaliya Ka Soo Hilaacay Xisbigaasi ayaa Asxaabta Mucaaridka Arintaasi Ku Riday Jahwareer Siyaasadeed.

Gobolka Awdal Waxa Uu Ka Mid yahay Goobo Codadka Doorashooyin Lagu Kala Baxo Ee ay Asxaabta Qaranku ay Xooga Saaraan Sidii Coodad Badan Halkaasi Looga soo Saari lahaa ayaa waxa aad mudooyinkii uu danbayey aad mooda in xisbi xaakimka kulmiye uu xooga saaray sidii ay uu hanan laahaayeen Qulufta shacabka reer awdal iyada oo bisha juun ee aan ku jirno ay xisbiga ku bireen xubno miisaan culus ku leh gobolka awdal oo ka dhigaysa in uu Xisbiga Kulmiye Uu Helo Tageerayaal Mawjado ah.

Xisbiga Wadani Marka La Eego Gobolka Awdal waxa uu ka mid ahaa Gobolada Uu Is lahaa Tageerada Badan ayaad Ku Leedahay ayaa wakhtigan Uu Muuqata In Xisbiga Wadani Gobolkaasi si weyn loogu Awood Sheegtay Tageerada Shacabka Iyada Oo Taasi Cadaynteedu ay Tahay In Xisbiga Wadani Oo Agab Ciyaareed Iyo Koobab Bisha Ramadaan Qabtay Ayaa Gobolka Awdal Laga Qadiyey Taasina Badalkeeda Waxa ay Tahay In ay Dhalinyarada Reer Awdal Niyada Ka Saaraan in ay Tageero Siiyaan Xisbigaasi.

Xisbiga Mucaaridka Wadani Waxa Ku Jira Siyaasiiyiin Badan oo Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal oo ay Ka Mid yihiin Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbigaasi Axmed Muumin Seed,Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbigaasi A/rashiid Xasan Mataan,Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbigaasi Amb.Maxamed Cali ayaa Mudooyinkii Uu Danbayey aan Lahayn halka ay siyaasadoodu ku danbaysay iyada oo uu muuqata in ay gobolka ay ka soo jeedaan aan samayn siyaasadeed ku lahayn masuuliyiintaasi aan kor ku xusay iyaga Oo shacabka reer Awdal baafinayaan siyaasiyiintaasi Halka ay Ku Danbeeyeen.

Ilaa Hada Macada Qorshaha Danbe Ee Uu Xisbiga Wadani Ka Yeelayo Tageerada Reer Awdal Ee Uu wayey Wakhti Xadirkan Iyada Oo Marba Marka Ka Danbaysa ay Sii Xoogaysanayso Tageerada ay reer Awdal Uu Qabaan Xisbi Xaakimka Kulmiye Ee Talada Dalka Haya Oo Cadaynaysa In Habeenkii Xalay ay Xisbigaasi Ku Biireen Aqoonyahano Miisaan Culus Ku Leh Gobolka awdal Oo Si Balaadhan Xisbiga Loogu Soo Dhawayey.

Si Kastaba ahaate Waxa Laga War Sugi Doona Halka ay Sal dhigato Hirdinka Siyaasadeed Ee Gobolka Awdal Ka Bilaaban Tahay Iyo Cida Hanata Tageerada Iyo Quluubta shacabka Reer Awdal Oo ah Meelaha Coodadka Doorashooyinka Lagu Kala Baxo.

By.Eng-Mahamed Sharbi Yare

Borama/Awdal.