Halkee ayey ka timid aragtida odhanaysa: “Ladies first”
“Marka hore gabdhaha” ama “Ladies first” waa aragti ay dadka qaar u aaminsan yihiin in ay tahay tix-gelin gaar ahaaneed oo haweenka loogu deeqo, balse waa tan xaqiiqdeedu;
Sida ay taariikhdu qirayso, muddo haatan laga joogo boqollaal sannadood oo ku beegnayd waayihii ay dunida reer galbeedku la jah-wareersanayd dhibaatooyinkii dabaqadaha salka ku hayey (Social classes) , ayaa waxa uu jacayl kululi dhex maray lammaane u dhashay dalka Talyaaniga. Lammaanahan oo uu wiilku ka soo jeeday dabaqadda sare, gabadhuna ay ka tirsanayd dabaqadda hoose ayaa si adag loogu diiday in ay is guursadaan. Caadi ahaan, nidaamka dabaqadaha u yaallay ayaa ahaa in aanay dabaqaduhu isku tallaabi karin, xataa aanu wax xidhiidh ahi ha yaraado ama ha weynaadee aanu dhex mari karin. Kadib markii xaaraan laga dhigay guurkii lammaanahaas, ee si adag gaashaanka loogu darruuray, ayaa waxa ay lammaanihii go’aansadeen in ay is dilaan labadooduba, isla markaana ay iska soo tuuraan dhisme fiiqan ama fooq dheer oo ku yaallay dalkaasi Talyaaniga.
Haddaba markii ay lammaanihii iyaga oo wada socda baarka uga baxeen fooqii ay iska soo tuuri lahaayeen ee ay gaadheen figtii ugu sarraysay, ayaa uu wiilkii isaga oo ku kalsoon ballankii jacaylkiisa, uu isla markiiba fooqii iska tuuray, daqiiqado kadibna uu halkaas ku naf waayey. Basle nasiib-darro, gabadhii waxa ay aragtay waxa ku dhacay saaxiibkeed iyo jabka uu doontay, isla goobtaasna waxa ay kaga baxday ballankii ay la gashay saaxiibkeed, iyada oo aan wax dhib ah nafteeda u geysanna waa ay iska soo noqotay, ugu dambayntiina waxa ay guursatay nin kale oo ay dabaqadda hoose ka soo wada jeedeen. Haddaba markii ay bulshadii Talyaanigu ogaatay sheekadaas, waxa ay la yaabtay sida fudud ee ay gabadhaasi uga baxday ballankii saaxiibkeed, waxaana ay jeclaysteen haddii sheekadaas oo kale mar labaad dhacdo, in ay gabadhu ku horrayso is dilka. Waa halkaas halka ay sirtu jiiftaa! Waa halkan meesha ay ka soo unkantay aragtida “Ladies First” oo u dhiganta “Marka hore gabadhu ha is disho”. Inkasta oo ay reer Yurub innoogu sawireen aragti qurxoon, hubaashiina ay la ambadeen xaqiiqada eraygan, haddana waxa ay la macno tahay “Marka hore gabadhu ha is disho”. Waana taas halka ay fadhido khiyaamadu reer Galbeedku.
Xigasho:
Barnaamijka taxanaha ah ee “Xogta Dahsoon” ee uu diyaariyo wariye Xuseen Kurdi.
Mohamed Sharmaake
sharmaake91@gmail.com