Maxamed Ibrahim (Qabyo-tire) Hogaamiyihii Midnimadda iyo Horumarka Togdheer Q.5aad W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

0
394

Maxamed Ibrahim (Qabyo-tire) Hogaamiyihii Midnimadda iyo Horumarka Togdheer Q.5aad W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Haddaba hadladii xusuusta mudnaa ee Badhasaab Maxamed Ibraahim uu ka jeediyey madasha ay walaalleyntu ka dhacaysay ee magaaladda Burco ayaa uu ku sheegay in uu indhihiisa ku arkay calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo magaladda London badhtamaheeda sudhan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aad iyo aad ayaan u faraxay aadna waan u soo dhaweeyey markii aan arkay in London oo ah ubucdii UK ama Ingriiska in calankeenii saddexda midab lahaa oo ka dhex babanaaya”, hadaladani waxay ka dhigeen maddashii quruxda badnayad mid sacab iyo farxad lugu iidaanay.

Doorkii badhasaab Maxamed Ibraahim (Qabyo-tire) ka qaatay qaban qabadii iyo qabsoomidii 18 May (Malintii qaranimada Somaliland) ee gobolka togdheer: 16/april/2016, waxay ahayd bil ka hor xuskii 18 may markii gudoomiyahe Maxamed Ibrahim wuu si rasmi ah u shaaciyey gudidii qaban qaabada xuska 18 may, gudidan oo gudoomiye qabyo-tire uu geliyey wakhti badan si xuska maalintan qaran ee 18 may uga duwanaato kuwii sanadadii hore ayaa waxa u suurto gashay in uu u xullo hawshan culus guddi culus oo u dhabar adaygi karta fulinta wajibaadka dushooda la saaray, gudoomiyuhu isaga oo ka hadlaya ayaa wuxuu yidhi “Waxaynu Maanta ku dhawaqaynaa gudidii qabanqaabada 18 may, oo ay ka hadhsantahay mudo bil iyo dhawar cisho ah,

Gudoomiye: Maayirka Burco – Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan.
G/xigeen: Maxamed Diiriye Xayd.
Xoghaye: Xoghayaha G/togdheer – Cabdi Maxamed ciise.
Afayeen: Isu-duwaha W/warfaafinta – Ilka-case.
Xubin: Maareeyahay wakaalada Biyaha
Xubin: Sahara ibraahim xuseen – Agaasimaha g/bari w/arimaha bulshada
Xubin: Saleebaan maxamed maxamuud – Isuduwaha Maaliyada
Xubin: Yuusuf ibraahim – Isuduwaha warfaafinta
Xubin: Xasan jaamac – G/waxbarashada
Xubin: Cabdikariin gafaa – Gudoomiyaha Bacdlayaasha
Xubin: Deeqo waydaar – Gudoomiyaha Ururka Naw
Xubin: Saynab Yusuf – G/ururka Uinta
Xubin: Axmed cali – Gudoomiyaha G/ganacsatada”.

Gudoomiyaha ayaa xubnihii qabanqaabada kula dardaarmay in guud ahaan gobolka togdheer gaar ahaan magaalada Burco ay ka duwantahay magalooyinka kale ee Somaliland, maadaama oo ay tahay xaruntii Somaliland lagaga dhawaaqay sidaa darteedna wuxuu gudoomiye Maxamed ibraahim faray in xuska 18 may ee sanadka 2016 uu waxbadan ka duwanaado xusaskii hore ee lugu waqaban jiray gobolka, taas oo aakhirkii ay gudidu kaga dhabeyeen.

11-May: Gudoomiyaha gobolka togdheer Maxamed Ibraahim Qabyo-tire si uu u hubiyo halka ay wax u marayaan gudidii uu magacaabay ee qaban-qaabada xuska 18 may ayuu kulan lugu dardar gelinayo iyo sidii hawsha loo qaybsan lahaa uu la qaatay gudidii, wuxuuna ugu bushaareeyey in markii ugu horeysay sanadkan xuska 18 may ee gobolka togdheer kala soo qayb gelidoono Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan saylici, kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo uu hawlo culus oo qaranka dartii uga cudurdaartay in xuska 18 may bulshadda togdheer kala qaybgalo, sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu baaq u diray guud ahaan bulshada Togdheer in ay sameeyaan xaflad qiimo badan oo gobolka iyo degmada burco ay ku galaan kaalinta kowaad ee xuska 18 may guud ahaan gobolada Somaliland, tanina waxay akhirkii noqotay mid u rumawda gudomiye Maxamed taas oo uu ku kasbaday amaan iyo bogaadin uga timaadda Xukumadda iyo shacabi weynaha gobolka Togdheer.

18-May: Mahadhooyinkii iyo Xusuusihii gudomiyaha gobolka togdheer uu u soo jiiday guud ahaan gobolka gaar ahaan magalo madaxda labaad ee Jamhuuriyada Somaliland ee Burco ayaa waxa ka mid ahaa: In gudoomiye Maxamed Qabyo-tire 25 sanno kadib 11:45 Habeenimo uu si sharaf iyo quruxi ku jirto u saaray calanka Jamhuuriyadda Somaliland halkii 18/may/1991 ay u saareen ciidankii mujahidiinta SNM, taas oo xusuus iyo qiiro ku reebtay bulsho weynta reer togdheer, una noqotay gudoomiye Qabyo-tire mid uu magac iyo amaan sharaf leh uu ku mutaysto bulshadda dhexdeeda iyo xukumadda guud ahaan, aakhirkiina shaxdan cusub ee gudoomiye Maxamed soo kordhiyey waxay noqotay mid maamulada gobolada kale ee dalku kaga daydaan.

Habeenimadii 18-May, xus kii ugu horeeyey ee habeenimo ayaa ka dhacay magalada burco, xuskan habeenimo oo agaasimka uu iska lahaa gudoomiyaha gobolka togdheer wuxuu ku casuumay 450 xubnood oo ka kala tirsan qaybaha kaladuwan ee bulshada iyo qurbajooga, habeenkaas waxa goobta xuska 18 may ka socotay lugusoo bandhigay noocyo kala duwan oo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ah ee geyigu aadka ugu faano sida “Jaandheerta, wil-wilada iyo nooca kacarar maska ka carar” , wakhti badan kadib gudoomiye Maxamed ibraahim qabyo-tire wuxuu ku guulaystay in gudbinta xusaska 18 may ee maalinimo iyo kan habeenimoba ay kala soo qaybgalaan tilifishano dibada u furan oo habka tooska(live) ah u gudbiya khudbadaha, damashaadka iyo xafladaha 18 may ee ka dhacaya magaalo madaxdda labaad ee dalka.
Gebo-gebadii xafladii habeenimo ee xuska sanad-guuradii 25 ee madaxbanaanida Somaliland ee gobolka togdheer gaar ahaa Burco waxay kaalinta kowaad ka gashay xafladihii ee kasocoday magalooyinka kale ee Somaliland taas oo uu gobolku ku guulaystay bilad-sharaf maamuuseed kasoo baxday madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Soo koobid: Guulihii gobolka Togdheer uu gaadhay Xuskii 18-may 2016 ee uu suurto geliyey gudoomiyaha gobolka togdheer Maxamed Ibraahim qabyo-tire.
1. Xulista iyo Magacaabida gudi isku-dhaf (Dawlada iyo shacabka) ah oo qaban-qaabiya xuska 18-may.
2. Markii u horeysay 25 sano kadib in mar kale calanka Jamhuuriyadda la sudho bartii lagaga dhawaaqay, Salaan sharafeedna ay ku maamuusaan cutubiye ka tirsan ciidanka qaranka Jsl ee gobolka togdheer, isaga oo uu gacantiisa ku sudhay gudomiyaha gobolku Maxamed Ibraahim.
3. Markii u horeysay in xuska 18-may 2016 uu bulshada gobolka togdheer uu kala qayb galo Madaxweyne ku xigeenka JSL cabdiraxmaan saylici.
4. In markii u horeysay tilifishano afsomali ku hadla oo u furan dibadu ay si toos ah u gudbinayeen Xusaska iyo damashaadka 18-may ee Gobolka.
5. In markii u horeysay xaflad habeenimo oo lugu xusayo qarnimada Somaliland xili habeen ah lugu qabto gobolka magaalada Burco.
6. In markii u horeysay Burco ku guulaysato bilad sharafeedii qiimaynta munasibada xuskii 18-may ee gobolada dalka oo si aan hore loo arag uga dhacaday gobolka.

Lasoco Qaybta 6aad
Mr.Hamse Bashe Wiyeer
E-mail: Xamse18@gmail.com
Hargeysa/Somaliland