HALYAY BAA GOD GALAY QAYBTII LABAAD W/Q DR BOQORE FARAH

0
379

HALYAY BAA GOD GALAY QAYBTII LABAAD

W/Q DR BOQORE FARAH

Qormadan waxaynu ku soo qaadanynaa taariikh nololeedki iyo taxanaha xil , xubin iyo shaqo guudba inta uu soo qabtay marxuum DR CABDI AW DAAHIR CALI ALLE qabriga ha u nuuro oo naxariistiisa ballaadhan midigta ha ka galiye.ALLE Ha u Naxariistee Taarikhdu markay ku sinnayd 1956 ayuu ku dhashay Deegaanka Oodweyne isaga oo dugsiga hoose ka galay magaalad duruqsi oo ka tirsan gobolka tog dheer,sannadii 1966kii ayuu dugsiga hoyga ah (boarding ) ah ee Oodweyne galay, sannadki 1970-kii waxa uu galay dugsigii sare ee camuud 1974kii markay taarokhdu marysay ayuu jaamacadii Umadda ee magaalada Muqdisho ku biiray waxaanu sannadkii 1979 kii qalin jabiyay kulliyada daweynta iyo qalliinka ee jaamacada ummada , sannadkii 1980kiiwaxauu shaqada dhakhtarnimo ka bilaabay cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaanu sannadkii 1981kii noqday iskudawaha qaxoontiga ee shabeelada dhexe1982 waxa loo soo bedelay cisbitaalka Burco oo uu ka noqday dhakhtarqalliin markii dambena isu-duwe caafimaad ilaa sannadkii 1988. wakhtigii SNM dagaalka ba,an kula jirtay taliskii macangaga ahaa ee militarigii siyaad barre hogaaminayeye wuxu ka mi ahaa dhakhatiirti faro ku tiriska ahaa ee madaalayaasha ahaa ee dhaawaca SNM dawaynta iyo dabiibka ladaba joogay waxanu ku samayn jiray qalliin ,dawayn iyo la tacaalida xaalada bukaanka jabhada.waxanu.door muhiim ah.ka soo qaatay dib u soo laabashadiidawladnimada somaliland.sanadkii 1997kii waxa uu noqday wasiirka caafimaadka ee xukuumaddii madaxweyne Cigaal ee Somaliland .2000 waxa uu ka mid ahaa afar xubnood oo asaasay xisbigi UDUBisaga , Cigaal,Gees, iyo cabdi Yuusuf. waxaanu noqday xoghayihii ugu horeeyey ee xisbiga UDUB. ka dib waxa is khilafeen madaxweyne Riyaale 2003 ayuu xisbiga Kulmiye ku biiray waxaanu u wareegaymagaalada Burco isaga oo ka ahaa dhakhtar .markiixisbiga kulmiye ku guulaystay kursiga.dalka looga arimiyo wuxu ka so qabtay sadex jago oo kala ah lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha bulshada,wasiirka xanaanada xoolaha iyo wasiirka arimaha bulshada iyo shaqada. sanadkii 2010 dabayaaqadiisi ayu madaxwaynuhu u idmaday lataliyaha madaxwynaha ee arimaha bulshada.2011-kii ayuu noqday wasiirka xanaanadaxoolaha .bishii labaad ee 2015kii ayuu madaxweyne siilaanyo u bedelay wasiirka arrimahabulshada iyo shaqada.October26, 2015 ayuu iska casilay xilkii wasiirnimo.waxaanu ka mid ahaa xubno tiro badan hal mar iska casilay xukuumada Siilaayo ee maanta talada dalka haysa .6April 2016 ayuu ku geeriyooday magaalada burco ee.xarunta gobolka tog dheer isaga oo da,diisu tahay 60 sanno jir . Alle Godka ha u nuuro janooyinkiisanaha ku casuumo. aamiin aamiin

W/Q DR BOQORE FARAH