Halyaygii Ree Brazil Ee Marcos Cafu Oo Sheegay In Xulka Qarankiisa Brazil Aanu Muddo 15 Sanadood Ah Helin Xidig Neymar JR La Mid Ah

0
458

Xulka qaranka Brazil ayaan muddo 15 sanadood ah helin ciyaartoy la mid ah Neymar JR sida uu aaminsan yahay halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Marcos Cafu, wuxuuna sidoo kale sheegay in u ciyaarista Barcelona ay Neymar ka dhigay in uu sii fiicnaado isla markaana uu si talaabo-talaabo ah uu u noqday hogaamaiyaha Selecao.

Neymar JR ayaa xulka qaranka Brazil ka caawiyay in ay taariikhda markii ugu horaysay ku guulaystaan bilada dahabka ah ee ciyaaraha Olimbikada aduunka. Cafu ayaa sheegay in xidigaha ugu fiican ee ay Brazil haysataa uu yahay Neymar JR.

Marcos Cafu oo Neymar ka hadlaya ayaa yidhi: “Neymar Junior waa ciyaartoygayaga ugu fiican. 15 kii sanadood ee ugu danbeeyay maanu helin ciyaartoy isaga oo kale ah. Farsamo ahaan waa mid aad u fiican. Talaabo-talaabo ayuu u noqonayaa hogaaimaya xulka qaranka Brazil”.

Cafu oo hadalkiisa sii wata isla markaana ka hadlaya saamaynta ay Neymar JR ku yeelatay u ciyaarista kooxda Barcelona ayaa yidhi: “Ciyaartoy kasta oo halkaas ka ciyaaraa wuu ka faa’iidaystaa, Barca waa mid ka mid ah kooxaha aduunka ugu fiican waxayna ciyaaraan kubbad