Hambalyada Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Ee Sanadka Cusub Ee 2024.

0
72
Hambalyada Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Ee Sanadka Cusub Ee 2024.
 
Hargeysa-31-12-2023-()-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha qaranka, waxa uu curashada sannadka cusub ee miilaadiga 2024-ka oo ku beegan berri oo Isniin ah taariikhduna tahay 01/01/2024-ka uu hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo bulshada caalamka.
 
Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu mar labaad munaasabada sannadka cusub oo ka mid ah munaasabadaha fasaxa qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.
 
Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u rajaynayaa Somaliland iyo Caalamkaba inuu sannadkan 2024-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara.
 
Ugu danbayn wuxuu ku simaha madaxweynuhu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ku boggaadinayaa dedaalkooda waddaninimo iyo doorka muuqda ee ay ka qaataan nabadgelyada, wuxuuna ku dhiirigelinayaa inay kor u qaadaan wax-wada qabsiga iyo midnimada dhexdooda, kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla markaana ilaashadaan jiritaanka qarankooda.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.