Hambalyo war murtiyeedkii madaxwaynaha Q.s/land :

0
667

Hambalyo war murtiyeedkii madaxwaynaha Q.s/land :
Allaa mahad leh, ilaaha innagu galladay, nimcada amniga iyo islaannimada, Rasuul baa amaan leh kaas oo hadal, fal iyo sugidba diinta innagu soo gaadhsiiyey.
Intaasi ka dib waxaan hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa madaxwayneha Qaranka jamhuuriyada somaliland .
Sidii kartida,hufnaanta iyo ficilkaba lahayd ee uu uga jawaabay maamul Goboleedka xamar .
**Madaxwaynaha Q S/land Waxa uu gabi ahaanba ugu jawaabay qodobo mug iyo miisaan leh oo aad bulshada reer Somaliland ay ugu riyaaqday waanan ku hambalyay naynaa waanan ku garab taagnahay madawaynaha .
**Qodobka Aad ii soo jiitay ayaa isna ahaa inaanay Somaliland ka mid noqon karin Federaalka somaliya waligeedna aanay ka mid noqonaynin ,Qodobkaasi waa mid Aad loogu farxo waanan ku farax sanahay waanan ku hambalyay naynaa
**Waxaan kale oo aan aad u teegeersnaa qodbadii 18 may/2015 ee ugu danbeeyay Qudbadii uu madaxwayne Axmed UU ka jeediyay ayaa iyana aad ii so jiidatay Taas oo ay ku jirtay qodob ka mida oo ahaa Somaliland hadii ay 100 sano oo danbe sii jirayso ka mid noqon mayso somaliya.
**Waxaan ku bogaadinayaa inaanu taageersnahay qarankan Gaamuray ee S/land horumarka la taaban karo ee uu gaadhsiiyay madaxwayaha qaranku.
**waxaanu ku farax sanahay inaanu nahay umada somalilander ah oo jecel wadankooda iyo horumarkiisaba Ag taagana Qarankooda mar walba .
**Waxaanu lee nahay hambalyo madaxwayne mar Kasta .
**ugu dambayn waxaan ku amaanaya madaxda Qaranka Jmahuuriyada Somaliland siday jawaabaha kulul Ee ku haboon siday u siiyaan maamulka xamar .
Waxaa qoray : Eng Abdifatah Jamac Ahmed {Amiir Ridwaan}
*Hargeisa Somaliland*
*Email:Sircabdifataxj@gmail.com*
*F B :Eng Sir Abdifatah
*Website:Engabdifatah.blogspot.com*