Hamiga Iyo Higsigu Waa Huga Siyaasiga

0
358

Hamiga Iyo Higsigu Waa Huga Siyaasiga
W/Q: Mustafe Cabdi

Akhristeyaal sida aad la socotaan waxaa wakhtigan ka dhex muuqda xukuumadda Somaliland ee tallada haysa oo uu dhaw yahay mudo xileedkeedu, Siyaasiyiin curdin ah oo la odhankaro waa kuwa dhaxlaya Maskaxda iyo Magaca Siyaasi ee Madaxweynenaha hawalgabka ah ee hada tallada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) oo ah siyasi Ruug cadaaya wakhti dheerna ku soo dhex jiray Siyaasada.

Aan u daadago Siyaasiga Curdinka ah ee aan rabo in aan maanta qalinka ku iftiimiyo oo ah Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ahaana Wasiirkii hore ee Duulista Soamliland, Maxamuud Xaashi ka hor Xukuumadda KULMIYE waxa uu ka mid ahaa Golaha Wakiilada Somaliland, isaga oo 1991kii ahaa Siyaasiyiintii Dadayared ee SNM oo markii Dalka la soo galay qabtay xilalka Wadanka, wakhtigaas oo Maxamuud ahaa Maayarka Caasimada Labaad ee Somaliland ee Burco, mudadii uu xilka hayey waxa uu ka qayb ahaa qabsoomidii Shirkii la soo noqoshada Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18kii/5/1991, Maxamuud Wakhtigaasi waxa uu hir galiyey kala danbayntii Magaalada iyo horumar uu gaadhsiiyey.
Isagoo markii dambena ka mid noqday Golahii Wakiilada ee Somaliland halkaas oo uu mudo ku jiray kana mid ahaa xubnihi ugu cadcadaa Golahaasi, isla markaana hogaamin jiray xubnahii mucaaridka ahaa.

Mr. Xaashia ayaa markii dambe ka mid noqday Aas-aasayaashii Xisbiga KULMIYE inagoo odhan karana waxa uu ahaa shaqsiga labaad marka Madaxweyne Siilaanyo laga yimaado, ee dadaalka iyo tacabka badan galiyey in Ururkii KULMIYE uu noqdo Xisbiga Qaran. Waxa uu KULMIYE ka noqday Gudoomiyihii Ole-olaha ee Golabada barri.

Sanadii 2004-tii ayaa Maxamuud Xaashi u guuray dalka Ingiirska halkaasi uu uu waxbarasho u tagay, kana sii amba qaaday Ole-olihii xisbiga KULMIYE iyo abaabulkiisii.

Maxamuud Xaashi waxa uu ka mid noqday Xukuumada KULMIYE markii ay talada wadanka qabatay isaga oo Maxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo) u magcaabay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee S/L, waxa uu tagay Wasaaradaasi, isagoo arrimo badan ka hir galiyeym waxa ugu mudan Darajada Wasaarada Duulista oo ahayd C oo uu Wasiir Maxamuud ku guulaystay inuu ka dhigo B, halka sidoo kalena dhisme yar oo afar xafiis ka kooban uu kula wareegay markiid dambena wareejiyey dhisme laba dabaq ah oo 22 xafiis ka kooban, waxa kale oo uu Wasiir Maxamuud Xaqiijiyey in Madaarka Cigaal oo ahaa Derejada 2-aad ee heerka Qiimaynta Qaramada midoobay ee Madaaradu, uu gaadhsiiyo Derejada 10-aad, isagoo si wayn sare ugu qaaday qaybaha kala duwan ee Madaar laga rabo, sida Amaanka, Bad qabka iyo Adeega, sadexdaasi arrimood oo xaqiijintoodu ay suuro galisay in Diyaarado Caalami ahi ay Madaarka Cigaal ka soo dagaan sida Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines, Waxa uu Wasiirku gacanta ku hayey Nashqad Terminal Casriya oo lagu qiyaas in ay ku kacayso ilaa 25 Milayan oo Doolar, halkiina uu wali kala wado hirgalintiisa Wasiirka Cusub ee Duulista.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale hir galiyey Xadaynta Dhulka Madaarada Sadexda ah ee Hargeysa, Berbera iyo Burco, oo dhulkoodu uu khatar ku jiray, waxaanu Wasaarada duulista ka tagay isagoo wada xadaynta Madaarka Boorama.
Wax qabadka baaxadaas leh, ayuu Wasiir Xaashi ku noqday Jawharada Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo taasna ku helay kalsoonida Madaxweynaha Qaranak Axmed Maxamed Siilaanyo , oo dabayaqaadii 2015-ka u dalacsiiyey inuu noqdo Wasiirka Madaxtooyada JSL, ama Kaaliyaha gaar ah ee Madaxweynaha.

Akhristo dib u milicso arrimahan, qiyaas dadaalka iyo kartida uu masuulkani xaqiijiyey qiimee dadka burushka wasakhda ah sita dhaleecaynta ay sheegaan, iyo xaqiiqda horteena taala ee aan qaar carabaabay.
Mustafe Cabdi
Cmustafe99@gmail.com