Haweeney ka tirsanayd Maamulka Degmada Xamar Jajab oo la dilay

0
471

Haweeney ka tirsanayd Maamulka Degmada Xamar Jajab oo la dilay

Muqdisho (warsugannews):- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir ayaa kusoo waramaya in xalay koox dabley ah ay toogasho ku dileen haweeney ka tirsanayd Maamulka Degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Siciido Sheekh Mursal waxayna Agaasime waaxeed ka ahayd Maamulka Degmada Xamar Jajab, waxaana lagu dilay gudaha Degmadaasi.

Ma jirto cid loo qabtay dilka Marxuumada, waxaana dableydii dilka geysatay ay durbadiiba ka baxsadeen goobtii ay ku dileen Marxuumad Siciido Sheekh Mursal.

Falalka noocaani oo kale ah ayaa inta badan dawladda federaalka Soomaaliya waxay ku eedeysaa Ururka Alshabaab oo uu dagaal kala dhaxeeyo dawladda federaalka Soomaaliya iyadoo ay ku fashilmaan dilalka noocaasi ah Ciidamda nabadgelyada kuwa sirdoonka iyo kuwa ay ugu magacdareen Midawga afrika.

Warsugannews
Warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here