Hay’adda Wadaniga ah ee Haqsoor ayaa kulan tababar ugu qabatay kooxo ka mid ah dhalinyarada magaalada Burco ee gobolka Togdheer (20-21 Nov, 2015)

0
318

Hay’adda Wadaniga ah ee Haqsoor ayaa kulan tababar ugu qabatay kooxo ka mid ah dhalinyarada magaalada Burco ee gobolka Togdheer (20-21 Nov, 2015)

Hargeysa(Warsugannews)Hay’adda Haqsoor oo fulinaysa mashruuca Somaliland Youth Empowerment Initiative (SYEIP) oo ay iska kaashadaan hay’adda Africa Contact (AK) ayaa kulankii labaad ee tababarka dhalinyarada magaalada Burco ku qabatay Hudheel Golis ee magaalada Burco. Munaasibadan oo ay ka faaiidaysteen dhalinyaro tiradoodu dhantahay 60 xubnood oo hablo iyo wiilal isugu jira ayaa lagu baray casharo kala duwan oo ay ka midyihiin xuquuqda aadamaha, dimuqraadiyadda iyo ururada bulshada qaab dhismeedka xubnaha ku salaysan (Member based organizations), xirfadda xallinta khilaafaadka, xirfadda masrax ka hadalka iyo casharo kale.

Kulankan lagu tababaray dhalinyarada ayaa qayb ka ah hawlqabado taxane ah Hay’adda Haqsoor iyo Africa Contact ugu talo galeen in lagu tababaro 120 ka mid ah dhalinyarada magaalada Burco xirfado kala duwan iyo kulamo joogto u noqda dhalinyarada (Youth Forum Meetings) oo dhalinyaradu ku kulmaan, kagana wadatashadaan danahooda, is dhexgalaan oo iyagoo isku duuban ka shaqeeyaan kor u qaadida doorka dhalinyarada, xuquuqdooda dimuqraadiyadeed iyo ka qaybgalka dhismaha iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, mashruuca SYEIP ee Hay’adda Haqsoor fulinayso waxa qayb weyn ka ah inay bartaa dhalinyaradu, laguna faafiyo dalka ku dhaqanka nidaamka ururada bulshada ku salaysan (Member based organizations) oo aan aad looga isticmaalin Somaliland. Hay’adda Haqsoor waxay ugu tabarucday dhalinyarada iyo guud Somaliland inay sharcigeeda u bedesho nidaamkan MBO-ga oo ay xubno ka noqdaan boqolaal dhalinyaro ah oo xuquuq isku mid ah sharciga ururku siinayo. Ujeedada laga leeyahay hirgelinta nidaamka ayaa ah in la dhiirrigeliyo hannaanka ururada bulshada ee xubnaha ku salaysan, is dhexgalka bulshada, waxwada qabsiga, iskaashiga, mutadawacnimada, lana cidhibtiro dhaqanka qabyaaladda ee ragaadiyay horumarka Somaliland.

Mashruuca SYEIP wuxu ku jihaysanyahay in la tababaro, kor loo qaado aqoonta iyo codka dhalinyarada iyo haweenka oo la gaadhsiiyo heer ay ka hadli karaan xuquuqdooda, ka doodi karaan danaha deegaanka iyo bulshooyinkooda, la xisaabtami karaan maamulka dawladda, axsaabta siyaasadda iyo daneeyayaasha kaleba, aqoon u yeeshaan kuna dhaqmaan shuruucda dalka, waxwada qabsan karaan oo ay door waafi ah oo muuqda ka gaysan karaan horumarka wadanka.

2

5

6

7

Source: Haqsoor for Peace, Human Rights, Environment & Sustainable Development

togdheeryouthforum@gmail.com