Heshiis Laga Gaadhay Khilaafka Doorashada Soomaaliya

0
265

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in guddigii farsamo ee ka kala socday dowlad goboledyada, dowladda Soomaaliya iyo gobolka Banaadir ay xal ka gaadheen khilaafkii doorashada Soomaliya.

War qoraal ah oo ay soo saareen guddigii ka koobnaa dhinacyadaas ayay ku sheegeen in kullamadii dhacay maalmihii lasoo dhaafay diiradda lagu saaray xal u helidda arrimaha kala ah cabashada laga muujiyay xubnaha guddiga doorashooyinka, xal u helidda guddiga doorashooyinka kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, qoondada dumarka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada.

Waxaa kale oo ay sheegeen in xal farsamo laga gaadhay dhammaan arrimihii khilaafkii ka taagnaa, waxayna intaa raaciyeen in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, six ay u meelmariyaan.

Guddiga ayaa 18-ka bishan ugu baaqay madaxwaynaha, raiisulwasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada inay isugu yimaadaan kullan lagu saxeexayo wixii lagu heshiiyay.

Inkastoo guddiga aanu fahfaahin ka bixinin wixii laga heshiiyay, gaar ahaan arrimihii ugu darnaa oo ay kamid tahay arrinta Gedo ayaa haddana dhankale waxaa muuqata in xalka la gaaray uu soo afjari doonaa culeyskii ka taagnaa qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo xilligii ay ahayd inay dhacdo ka dib dhacday.

Arrintan ayaa timid kadib markii ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada Shirka golaha wadatashiga qaranka, six al looga gaaro khilaafka harreeyay doorashada.

Kullankii qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya ku dhexmaray magaalada Samareeb ee Galmudug toddobaadyo kahor ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii la isku mari waayay qoddobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan katirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku heyso dowladda federaalka.

Haddase waxaa muuqata in wadahadaladan guddigu ay sheegeen in uu mira-dhalay loo wajahay si ka duwan sidii hore, maadaama kullamadii hore ay isa soo hor farriisan jireen madaxda labada dhinac.

Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe cadaadis iyo baaqya kala kulmayay beesha caalamka iyo gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, dalkana ay ka dhacdo doorashada wada ogol ah.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here