Hirdan Siyaasadeed Oo Ka Taagan Deeganka Buuhoodle+Wafti Xisbiga Waddani Ka Socda Oo Gaadhay Widh-widh+ Xaalad Loolan Oo Ka Bilaabantay

0
366

Hirdan Siyaasadeed Oo Ka Taagan Deeganka Buuhoodle+Wafti Xisbiga Waddani Ka Socda Oo Gaadhay Widh-widh+ Xaalad Loolan Oo Ka Bilaabantay

Hirdan Siyaasadeed oo ku aadan loolan loogu jiro kasbashada taageerada iyo maamulka dawladnimo ee dadweynaha deegaanka Buuhoodle ayaa maalmihii u danbeyey ka taagnaa deegaankaasi

Loolanka awoodeed ayaa waxa uu maalmihii u danbeeyey ku dhex maraayey deegaankan hogaanka sare ee cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland oo todobaad ka hor ku ruqaansaday deegaankan oo uu dhawaan xoojiyey iyo Wasiir Xagla-toosiye oo isagu kasoojeeda Buuhoodle oo iyo kooxda maamulka Khaatumo State oo uu hogaaminaayo Cali Khaliif Galaydh oo ah hotjoogaha Khaatumo State Loolanka siyaasadeed ee deegankan oo salka ku haya sidii ay diiwaangalinta doorashooyinku ahi uga qabsoomi lahayd deegaankan ayaa waji cusub yeelatay kadib markii ay deegaanka gaadheen habeenimadii xalay Wafti ka socda Xisbiga Waddani oo ah Xisbiga kaliya ee kajira Somaliland ee xafiis ku leh Buuhoodle isla markaasina ah haayada kaliya ee kasoojeeda Sonaliland ee Calankiisu ka dhex babanaayo badhtamaha magalada Buuhoodle ee ay Xukuumada Silaanyo ee talada haysaa ku dhici wayday inay xarun ama xafiis dawladeed oo shaqeeya ka furato amaba ay ka taagto calanka Somaliland .

Waftigan Xisbiga Waddani oo qayb ka ahaa Waftigii socdaalkii Sama wadde ee uu hogainayey Gudoomiye Cirro ee Togdheer ayaa waxa hogaaminaaya Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Buuhoodle Md. Fu’aad Maxamed Mixile oo isagu ah Siyaasigii dhalinyarada ahaa ee horaantii sanadkii 2014 ku guulaytay inuu furo xarunta gobolka Buuhoodle ee Waddani isla markaasina ka dhextaago calanka Xisbiga badhtamaha magaalada

Gudoomiye Fu’aad Maxamed Mixile oo ah siyaasi aad u da yar oo miisaan culus ku dhex leh bulshada deegaankiisa Buuhoodle ayaa waxa u suurtogashay inuu kasbado taageerada ugu balaadhan ee Bulshada deegaankan oo sida aynu xusnay uu dibad wareeg ka yahay masuulkii xukuumada Silaanyo ugu magacaabnaa Badhasaabka Gobolka kaasi oo aan habayaraatee fooda galin karin gudaha magaalada oo uu ka qoranyey danbiile halka Gudoomiye Fu’aad Maxamed Mixile uu isagu ku taamaayo cududa bulshadiisa Buuhoodle oo uu taageero mugle uga soo hooyey xisbigiisa Waddani

Ujeedka Waftigan uu hogaaminaayo Gudoomiye Fu’aad Maxamed Mixile ayaa sida la sheegay waxa ay gogol xaadh u yihiin wafti balaadhan oo dhawaan deegaanka Buuhoodle ku gaadhi doonaan hogaanka ugu sareeya ee Xisbiga Waddani oo uu horkacaayo Gudoomiye Cirro oo isagu dhawaan si toosa ugu qudbadeeyey mar uu la hadlaayey dadweynaha reer Oodweyne isagoo si cad usheegay in meelaha ugu muhiimsan ee uu ku tagaayo safarkiisa sama wadde ay ka mid tahay deegaanka Buuhoodle oo uu xusay inay ka xisbi ahaan ahmiyad gaara siinayaan

Dhinaca kale imaatinka Waftigan hordhaca ah ee Waddani ayaa waji cusub uyeelay hirdan awoodeed oo salka ku haysay isu awood sheegasho ciidan iyo milatari oo dhexmaraysay ciidanka Somaliland oo uu hogaaminaayo Wasiir Xagla-toosiye iyo kooxda Khaatumo oo uu hogaaminaayo Cali Khaliif

Hadaba markii ay soogaadheen Deegaanka Widh-widh ee dhawaanta ay ku ruqaansadeen Ciidanka Qaranka Somalind Waftigan Xisbiga Waddani ee uu hogaaminaayey Gudoomiye Fu’aad Maxamed Mixile ayaa dadweynaha deegaankaasi ku qaabileen waji furan iyo soo dhawayn diiran oo ka gadisan wajiyadii ay hore ugu qaabileen maamulka khaatumo iyo Xukuumada Somaliland oo hore usoo gaadhay isla matkaasina isku dul haystay bulshadan iyagoo isku adeegsanaayey awoodo Ciidan

Isku soo wada duuboo Socdaalka Waftigan uu hogaaminaayey Gudoomiye Fu’aad Maxamed Mixile oo ah siyaasi da’yar isla markaasina hogaaminaaya Siyaasada xisbi mucaarida oo awood dhaqaale oo buuran lahayn ayaa u muuqda inuu kaga saamayn batay Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumada Silaanyo oo mudo ku dhaw todobaad ku sugnaa deegaankan isla markaasina awood ciidan iyo dhaqaale oo xadi badan ku isticmaalaayey bulshada