Hoggaamiyihii Deegaanka Tigreega Oo La Sheegay in Uu baxsad Ku Joogo Caasimada South Sudan

0
309

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xukuumadda Koonfurta Suudaan ayaa sheegay In
Hogaamiyaha Mucaaradka Deegaanka Tigreega Debretsion Gebremichael, Uu
Ku Sugan Magaalo Madaxda Dalka Aduunka Ugu Yar ee Koonfurta Sudan Bil
Ka Dib Markii Wasiirka Arrimaha Dibada ee Waddankaasi Uu Beeniyay
Warkan.
Ethiopia ayaa hore Ugu Eedaysay Sudanta Koonfureed In ay soo Dhaweyn u
Sameysay Debretsion Gebremichae Saddex Maalmood Ka Hor Booqashadii Madaxweynaha Masar ee Jubba ayuu
hogaamiyihii Tigreegu Joogay Magaaladaasi, Waxaana isla Sarkaalkan Sare
ee Xukuumada Koonfurta Sudan Uu sheegay Wargeyska Sudan Post in aanu
Kulan La qaadanin ee Uu Dib Ugu Laabtay deegaankiisa.
Waxa Uu Iminka waydiisanayaa Magan galyo Xukuumadda Koonfurta
Suudaan.
Xidhiidhka Ethiopia iyo South Sudan ayaa xumaan Kara Haddii aanay Jubba
Aqbalin dalabka Addis Ababa ay Ku Doonayso In Loo soo Gacan geliyo
Hogaamiyaha ay Ugu Baadi Doonka badan tahay ee Debretsion
Gebremichael.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here