Hoggaanka Saddexda Xisbi Oo Madaxweynaha Dib Ugu Celiyey Go’aaminta Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiillada

0
316

Hoggaanka Saddexda Xisbi Oo Madaxweynaha Dib Ugu Celiyey Go’aaminta Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiillada

Hargeysa(Warsugan) Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa ku fashilmay inay tallooyin wax ku ool ah ka gaadhaan habka ugu habboon ee bulshada Somaliland loogu qaybin karo kuraasta aqalka wakiillada. Guddoomiyaha Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha xisbiga Waddani, ahna Musharaxa, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo hoggaamiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay ku heshiiyay in habka saami qaybsiga lagu celiyo madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweynaha ayaa hore hoggaanka xisbiyada ugu soo gudbiyay inay ka soo talo bixiyaan habka loo qaybin karo kuraasta hase ahaatee heshiiskan ayaan lagu lifaaqin wax tallooyin ah.

Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ayaa kulankooddii 23-kii July ku soo jeediyay talooyin saddex ah oo u dhignaa: in doorashada golaha wakiillada mar kale lagu galo habkii saami qaybsi ee doorashada lagu galay 2005-tii; in saami qaybsiga golaha wakiillada lagu saleeyo tiro koob qaran oo la sameeyo iyo talo ah in saddexda xisbi qaran talo midaysan ka gaadhaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiillada, hase ahaatee kulankooda shalay ayaa falanqayn dheer kadib waxay isla garteen in madaxweynaha loo daayo sida uu ugu qaybiyo bulshada kuraasta wakiillada, islamarkaana ay ixtiraamaan go’aankasta oo uu qaato.
Kulammada hoggaanka xisbiyada oo ay shir guddoominayeen masuuliyiinta Akademiyadda nabadda iyo horumarka Somaliland iyo dallada ururada bulshada ee SONSAF, waxaa ka soo baxay saddex qodob oo kala ah sidan soo socota:-

• In Arrinta Saami-Qaybsiga Golaha Wakiilada Dib Loogu Celiyo Madaxweynaha, Isla Markaana Madaxweynuhu Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadho Arrinta Saami-Qaybsiga iyo Doorashada Golaha Wakiillada Ee Qorshaysan Inay Qabsoonto Bisha March 2017-ka
• 2. Waxa La Isla Qaatay In Saddexda Xisbi U Hoggaansamaan Go’aanka Uu Madaxweynuhu Gaadho Ee Khuseeya Arrinta Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland.

• In Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta iyo Dallada Ururrada Bulshada ee SONSAF Ay Ku Ilaaliyaan Saddexda Xisbi-Qaran Fulinta Qoddobada Lagu Heshiiyey.
Heshiiskaasi waxaa saxeexay hoggaanka saddexda xisbi Muuse Biixi Cabdi, musharaxa Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro, musharaxa Waddani iyo Eng Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga Ucid.

Xigasho Wargeyska Warsugan