Horor danta guud hiigaya weeye xukuumadduye nabadda hala ilaashado”Afhayeenka Garabka Dhalinyarad Xisbiga WADDAN

0
331

Horor danta guud hiigaya weeye xukuumadduye nabadda hala ilaashado”Afhayeenka Garabka Dhalinyarad Xisbiga WADDAN

Afhayeenka garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme, ayaa ka haddlay xaalada ka soo cusboonaatay magaalada Berbera, isago shacabka reer Berbera ugu baaqay inay nabadooda ilaashadaan sidaasna waxa uu ku sheegay Md Maxamed Sidiiq Dhamme war-murtiyeed oo soo saaray kaas oo u dhignaa sidan:-

Nabadgelyaddu waa lagama maarmaan, nabad la’aan ummadu noolaanmayso. Waxaynu dheerahay asaageen iyo waddamada mandaqadda ee innagu xeeran waa nabadda macaan ee Eebbe inagu galladay. Waxaan aad uga xumahay dhacdooyinka aan dhegaha u wacnayn ee igasoo gaadhaya Gobollkii nabadda iyo midnimada ee Saaxiil, jidgooyadda iyo colaadha huraaya ee la sheegsheegayo. Waxaan ugu baaqaya in xaaladda la dejiyo oo aan loo horaysiin dagaal iyo amnidaro aan la xakamayn karin haddi xabbadu qoriga ka baxdo.
Xukuumaddu sharcigii waxay u baalmartay si badheedha, waa indho li’ dhego li’ wax ma dhawrto, baarlaamnkii ahaa haayadda sharcidejinta Haamihi ay hor istaageen ee lagu diiday iibkooga codka aqlabiyadda ah waxay ku wareejisay sharcidarro iyo awood dawladeed. Somaliland oo dhanbaa la anfariirsan dhacdadaa ugubka ah iyo baalmarkaa sharci ee xukumaddu samaysay. Haamuhu waa hanti ummadeed oo qaranka ka dhaxaysa, iibkooda aan loo marin sifaha sharciga waafaqasan shacabku way ka xumaadeen oo waxay ku noqotay looma-fadhi.
Xukumadda waxa doortay shacabka, shacabku waxay ku aarsan karaan waa fartooda iyo codkooga xalaasha ah, dareenka iyo diidmada laga xunyahay boobka hantida qaranka halagu muujiyo si nabadgelyo ah oo aan keenayn xajiin iyo colaado sokeeye, qaladka shuftada iyo tuugta aan tudhaalaha lahayn yaan loo baabiin qarannimada iyo dawladnimada curdinka ah. Maanta waxa loo baahnyahay ilbaxnimo iyo in laga gudbo qoriga aynu kasoo gudubnay ee aan faa’idada lahayn.
Boobka hantida ummada ka dhaxaysa ee la xaraashay Haamaha oo keliya maaha, goobobadan oo la iibshay oo la boobay lacagti kaso xerootay ayaa jira, dhammaatay hantidii ummada ka dhaxaysay Dugsiyada, Dhakaatirka iyo Waddaooyinka hadhay iyagana maalin aan fogayn way wareejin, haddaan Alle innga qaban ama aan iimaan kusoo degin hororada bahaloobay. dhiisha hoggaankeena iyo xukumadda kulmiye ma hilanto, shandadahooduna ma buxsamaan ee waa haan gun la’ oo aan higaagmayn haddi dhagax iyo ciida dhulka laga buuxsho, xukumadda dheefdoon ee aan dhaqaalayn qaranka maanta waxay maraysa meel aan la mahadin ee yaan loo bilabain. Saansaanka muuqda ku dirqiga shacabka bari ilaa galbeed la ciilayaan waa bilawga dagaalo sokeeyo oo aan dan u ahayn cidna.
Qofkasta waxa ka saaran aminga masuuliyada, waxaan ugu baaqaya reer Saaxil inay xaalada dejiyan oo ayn wadahadal iyo nabad ku soo dabaalan xaalka aan qumanayn, waxa loo baahanyahay bisayl, Somaliland waa walalo ab iyo isir isbaal yaal, haddi waddooyinka la gooyo waxa iman kara amindarro baahsan iyo in beelaha dhexmarto colaad hor leh, xukumaddeena xil-masaara xurmo iyo karaamo ay xeerinayso dastuurka qarankuna ma muuqdo hays xilqaamo shacabka qiimaha badani muddada cimrigii gaaban ee cahdiga Siilaanyo ka hadhay.

Afhayeenka Garabka Dhalinyarad Xisbiga WADDANI.
Maxamed Sidiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here