Hubaal : Dulmi Diidoow Dulmi Doone Haysku Noqon. Ha La Kala Saaro Wararka Wargeyska Iyo Taageeradda Shakhsiyan Uu Qofku Xaq U Leeyahay”.Jamaal Cali Xuseen

0
345

“Hubaal : Dulmi Diidoow Dulmi Doone Haysku Noqon. Ha La Kala Saaro Wararka Wargeyska Iyo Taageeradda Shakhsiyan Uu Qofku Xaq U Leeyahay”.Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa:(Warsugannews)- Ilaa xalay waxaan arkaayey facebooka ciidanka Wargeyska Hubaal oo dhowr jeer soo dhigaayey taageeradda Muuse Biixi, maalin horena waaba kii cadeystay chief editorka ama ninka masuulka ka ahi taageeradda uu u hayo xisbigga Kulmiye iyo Muuse Biixi.

Horta xaq buu u leeyahay inuu qof walba taageero qofkuu doono oo anagu kuma haysano, laakiin inta badan qoladda jaraa’idku inay dhex-dhexaad muujiyaan ileyn wargeys bay soo saaraane ayaa ah lama huraan. Iyagoo taageeradoodda shakhsiyan meel ku haysanaya, ayaa ay muhiim tahay in marka ay wargeyska qorayaan ay sideedda tahay in ay u dhigaan wararka iyadoo ay ka reeban tahay shay buunbuunin ahi. Ha la kala saaro taageeradda shakhsiyanka ah iyo ta Wargeyska wararka lagu soo qoraayo.

Tusaale ahaan; Maalintii aanu Madaxweyne Daahir Riyaale u qabanay casuumaddii hadhimo sharafeedka ahayd ayaa bogga hore ee Hubaal waxaa ku qornaa hadal uu Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Cabdulqaadir ka yidhi goobta oo uu madaxda UCID canaan uga dhigaayey isagoo ay dhinaciisa ka ahayd dhiiri-gelin iyo inaanu ka sii dheereyno; goobtana hadalo badan baa laga jeediyey; meeqaamkii goobtoo dhan iyo xafladiiba waxba kamay odhane waxay Jariiradda Hubaal ka soo xulatay hadalkii Suldaanka ee canaanta ahaa oo inta far waaweeyn lagu soo qoray Headline jariiraddii bogga hore lagu soo qoray.

Gudoomiyaha Kulmiye marka uu taageeradda 20 xubnood oo golaha dhexe ah oo reer ka tirsani taageereen far waaweeyn baa laguugu soo qorayaa si loo moojiyo laxaadka uu haysto. Suxufinimaddu maaha in kolba shayga (selective memory) aad doontid aad dadka u sheegtid ee waxa wanaagsan in shay walba runta laga sheego oo caadifadda taageero aanay marnaba waxba yeelin meeqaamkii suxufinimo ee dadku kaa filaayey inaad u gudbiso.

Shalayto jariiradda Hubaal xisbigga Kulmiye ayaa xidhay oo weliba soo weeraray oo goobtooddii ku soo weeraray. Xisbiyadda Mucaaridka iyo shacabka Somaliland oo dhan baa u gurmadday oo intaasoo jeer baanu difaacnay. Maanta Hubaal ka yeelli mayno in ay cadaaladdii ay shalay u ooyaysay inay iyaddii ku tumato oo xisbiyaddii shalay iyadda u dagaalamaayey ay maanta uga hiiliso xisbiggii Kulmiye ee iyadda Dulmiga ku hayey.

Anagu ma lihin na taageera, laakiin idinka yeelli mayno inaad Kulmiyena buunbuunisaan, xisbiyadda mucaaridka ahna wararkoodda hoosta dhigtaan oo aydaan u sheegin siday ahayd. Ilaahay wanaaga hayna garansiiyo.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here