Hungary: Falal wuxuushnimo ah oo ay boolisku kula kaceen Qaxoontiga iyo Haweenay shaqadeediina ku weyday fal naxdin leh oo ay kula kacday aabe laabta ku sida wiil yar oo ka mida Qaxootiga Siiriya [Daawo]

0
373

Hungary: Falal wuxuushnimo ah oo ay boolisku kula kaceen Qaxoontiga iyo Haweenay shaqadeediina ku weyday fal naxdin leh oo ay kula kacday aabe laabta ku sida wiil yar oo ka mida Qaxootiga Siiriya [Daawo]

Hungary(Warsugannews)Xili dalka Hungary uu dib u bilaabay inuu celiyo dadka qaxootiga ah ee doonaya inay gaadhaan dalalka Austria iyo Germany, ayaa waxaa soo baxaya falalka xun xun oo ay ciidamada iyo qaar kamid ah shacabka Hungary la beegsanayaan dadka qaxootiga ah.

Haweenay kameriiste ah oo ka shaqeysa mid kamid ah telefishinada dalkaasi Hungary ayaa shaqada laga casilay kadib markii ay kasoo dhex muuqatay filim laga duubay dadka qaxootiga ah, iyadoo laad la dhaceysa qaxooti isku dayaya inay u baxsadaan dhinaca xaduuda dalka Austria.

Dalka Hungary ayaa sheegay inuu markale xidhi doono xaduudiisa kadib markii ay soo bateen dadka qaxootiga ah ee doonaya inay nolol cusub ka helaan Midowga Yurub, waxaana si weyn loo dhaliilay qaabka ay ciidamada iyo shacabka Hungary ulla dhaqmayaan dadka qaxootiga ah.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Midowga Yurub soo bandhigo qorshe qaxootiga si siman loogu qeybinayo qaxootiga hada soo gaadhay dhulkaasi oo gaadhaya 120.000, balse Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada qaxootiga la filayo inay yimaadaan Midowga Yurub ay ka badan tahay 400.000.

warsugannews

warsugamedia@gmail.com

HARGEYSA/OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here