Iftiimin:- Maalgalinta Dekeda Berbera iyo Dareenka Shacabka Berbera W/Q Jimcale-Cawke

0
409

Iftiimin:- Maalgalinta Dekeda Berbera iyo Dareenka Shacabka Berbera W/Q Jimcale-Cawke
Qalinku waa culan yahay, waxaana ku cuncuna gacanta si ay caradiisa warqada u dul saarto ka dibno ay cabirto wixi maskaxda ceegaaga ee carabku hadal hayo.

Maan jeclayn in aan ka hadlo arrinka Heshiiska shirkada Dubai World Port (DP world) balse waxay iigu muuqatay lagama maarmaan in aan fikirkayga cadeeyo intu gudahayga ku xabismi lahaa.

Waxaan isku dayi doonaa inaan ka jawaabo waydiimo Aalaaba baraha bulshada iyo rayul caamka kusoo noqnoqda.
Reer Berbera ma Horumar diid baa?

Su’aashan baan rabaa in aan si cad uga jawaabo ugu horeyn iyadoo ay dhagaha rayul caamka reer Somaliland in badan kusoo noqnoqtay, xanta ugu way nee reer Berbera u taalaa suuqyada magaaloyinka kale ay tahay inay yihiin dad Horumarka Neceb, hadaba halkay ka bilaabantay arintani?

Sanadki 2007ki ayaa dawladii Dahir Rayaale ay ruqsad u siisay koox ganacsato ah guud ahaan Iskaraabki yaalay Warshada Sibidhka Berbera, waxaanay taasi dhalisay in shacabkii Berbera oo markaa aad isugu duubnaa ay dhigeen banaan bax wayn oo rabshada wata, kaas oo ay badiba waxyeelo gaadhsiiyeen xarumihii dawlada sida D/hoose, Xafiiska Gobolka iyo baanka Dhexe laantiisa Berbera.

Waxanay dawladii go’aan ku gaadhay in la joojiyo gurista iskaraabki ,iyadoo ariniina uu sidaa ku joogsaday. Waa markii Kowaade ma ila socotaa
Markii labaad, waxay ahayd 2011kii markii dawladu ay wareegto madexweyno ku wareejisay Warshada Sibidhka shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom, taasina waxay dhalisay in odayaasha iyo ganacsatada Gobolku ay ku doodeen in saamigi Gobolku uu lahaa la siiyo ama Dawladu ay gacanta ku hayso oo aanay gaar ka dhigin. Qodobada ay ku doodayeen Odayaashu waa mid waaqica Somaliland taala oo ah meesha khayraad yaalo in bulshada ku nool laga qayb galiyo, taasina waxay ahayd tii Dawlada seegtay.
Wareejintii Warshada Laydhka iyo Haamasha Shiidaalku waxay ahayeen qaar dano siyaasadeed iyo dhaqaaleba ay dabada ka riixayeen, mana loo nisbayn karo arin shacab uu ku suntanaa waana sababtay ay u meel mareen labaduba oo ay dawladu ugu guulaysatay wareejintooda.

Markaa ma cada sabab loo odhan karo reer Berbera horumarka ayay diidan yihiin.
Maxaa magalada Berbera iyo bulshada ku dhaqan dan ugu Jira in Dekeda Berbera la maalgaliyo?
Magaalada Berbera waa magaalo istiraaji ah oo ku taala Bogcad muhiim u ah isku socodka bada cas iyo bad waynta India, waa meel ay ku hirdami jireen horayso Quwadihii Soo maray Adduunka sida Midowgii Sofiyatiin iyo Maraykanka. waxa ku yaala madaar Ranwaygiisu ka dhumuc iyo dherer waynyahay badiba madaarada afrika waa madaar loogu talo galay militarigu inay isticmaalaan waxaana dib u habayn balaadhan hada ku samaysay Dawlada Kuwayt.

Waxa sidoo kale ku yaala Deked muhiim u ah guud ahaan Geeska Africa, waana tan kaliya ee ay ka dhoofaan badiba xoolaha Somalida ee taga Wadamada Carabtu, sidoo kale waa deked ay Wadamada Jaarku ku hirdamayaan isticmaalkeeda gaar ahaan wadanka Land Locked ka ah ee Ethiopia. Waana deked uu kasoo xarooda dhaqaalaha wadankeenu in ka badan 80%. Waxay leedahay xeeb dalxiis oo aad u dheer isla markaana ku haboon dalxiiska idil ahaantiiba, waana mid dayacan ayna ka maqan yihiin badiba adeegyadii dalxiis u baahnaa dhaqaale la’aan darted.

Hadaba, madaama ay sidaa tahay fursadahaas badanina jiraan, Berbera ma tahay magaalo u baahan in la hormariyo oo la maalgaliyo si ay maruun u noqoto meel lagu soo hirto oo aduunku soo majeerto? Su’aasha jawaabteeda oo fududi waa HAA. Berbera way u baahan Maalgashi gudaha ah iyo mid Debeda ahba.

Maalgalinta Dekedu waa Ibo furka maalgalino hor leh oo ay hesho Berbera, cida koobaad ee dani ugu jirto qaranka oo dhan ka hor waa cid ku dhaqan Berbera ee ku nool, kuwaas oo u samray hanfiga xagaaga, u dhabar adaygay kulka iyo dabayl xagaaga sanad kasta ka dhaca Berbera, kuwaas oo qaar kood waligood aanay ka bixin kana tagin magaalada. Faa’idooyinka aynu eegno:-
 Waa lasoo camirayaa oo laysugu imanayaa Berbera, ka dibna dhaqdhaqaaqa ganacsigaayaa badanayaa oo cid waliba ay ka macaashi doontaa.
 waxa isku miisaamaya Dakhliga dadka kasoo gala xarumaha dawlada iyo kan meelaha gaarka ah ka imanaya.
 waxa dadku ay noqonayaan isku tiirsanayaal madaxbanaan, halka ay imika ka yihiin Dawlad ku tirsanayaal, waxa badanaya shacabka masiirkooda dalawariya halka imika ay adag tahay qofku in uu masiirkiisa dalawariyo.
 waxa iman doona ganacsadayaal caalami ah oo ku hiran doona inay maalgashadaan magaalada kuwaas oo Iyana gaarkood u abuuri doona shaqo, waxa shaqayn doonta aqoonta.
 Waxa kobcaya adeegyada Bulshada sida laydhka iyo Biyaha oo helaya maalgalin iyo kab joogta sida uu samayn jiray Maxjarka Berbera oo ramadaan kasta warshada laydhka siin jiray nafato dadka lagaga jabinayo qiimaha laydhka.
 Waxa shaqayn doonta aqoonta adeegta.
 Waxa mustaqbal iyo naruuro heli doona Ubadka soo kacaya iyo kuwa dhabaradeena ku jira dharaaro dabadood.
 Dekedu muddo ka dib waxay u hadhi doontaa deegaanka iyo dalka iyadoo qalabsaysan sidii horeba ay inoogu hadhay dhisidi Ruushka iyo dib u habayntii Maraykanka ka dib.

Guuxa, Gariirka iyo xanshaashaqa baxaya halkuu salka ku hayaa?
Heshiiska maalgalinta Dekeda Berbera dadku sadex bay noqdeen
1. Kuwo taageersan Guud ahaan heshiiska (madaxda dawlada ku jirta)
2. Kuwo taxadar badan muujinaya oo ka war dhawraya ogaanshaha xaqiqda heshiiska lakin aad usoo dhawayeyay.
3. Kuwo aanu uba cuntamin heeshiisku ( badiba dadka G/saxil).

Marka laga tago qolada hore ee iyagu ogol dabadana ka riixaya heshiiska ayaa ah madaxda dawlada ee kasoo jeeda G/saxil sababtay u taagerayaan malahayga waa iyaga oo aad ug xogogaalsan heshiiska isla markaana gudanaya wajibaadka saran ee ah in Gobolka saaxil uu helo Maalgalin Caalami ah isla markaana ay fuliyaan awaamiirta xukumada ay ka tirsan yihiin, waxaan dul istaagayaa qolada taxadirka iyo digtoonida ka muujinaysa Heshiiska oo ah aqoonyahanka iyo Waxgaradka G/saxil waxayna cod dheer kugu sheegayaan inay aad usoo dhawaynayaan heshiiskan isaga ah, balse ay dhawrayaan qodobada ku jira heshiiska in ay arkaan si loo ogaado faa’ido ama khasaare ka uu wadanka iyo gobolkaba u leeyahay.

Qolada ugu danbaysa ee gabi ahaanba kasoo horjeeda waa cuqaasha, saladiinta odoyaasha badi dhalinyarada, shaqale weynaha Dekeda Berbera iyo danyarta ku dhaqan magaalada.

Ujeeda ugu way nee ay ugu soo horjeedaan waa iyaga oo aan habayaratee fahanba ka haysan maalgashi iyo micnihiisa, sidoo kale qodobka kale ayaa ah in dekeda Berbera ay ka shaqaeeyaan shaqaale aad u badan oo kasoo kala jeeda guud ahaan qabiilada ay ku abtirsadaan Somalidu, kuwaas oo u badan muruq maal, waxaana shaki badani uu ku jiraan rajada shaqadooda iyadoo ilaa hada aanay jirin damaanad cad oo sheegaysa in aanay shaqadooda waayayn, iyadoo tira dhawr jeer masuuliyiin u hadlay dawladu ay sheegeen in shirkadu ay qalab keensanayso isla markaana laga maarmayo shaqaale tuurta wax ku qaada. Sarta ugu badan ee is faham waagu halkaas bay ku qudhunsan tahay, walaaca iyo warwarka bulshada Berbera ku furan waa kaas. Hadaa Saw maydaa Garan.
Waxa Iyana qodob xusid u baahan ah in danyarta faraha badan ee Berbera ku dhaqani markasta oo ay dekeda galaan ay ka helaan nolol maalmeedkooda iyagoo nasiya shaqalaha muruqmaalka ah ee daala ka dibna halkaas ku qaata lacag yar. Waxay xagaana ka tahay Sabool korisa.

Gabogabo:-
Dalku wuxu u baahan yahay maalgashi dhinac kasta ah, waxaana awooda heshiiska shacabka uga wakiila Dawlada hadba la doorto oo ay haboon tahay in loo dabo fadhiisto oo lagu ixtiraamo. waxase meesha ku jirta oo in maanka lagu hayo ay haboon tahay waa in dadku ay waxbarteen, waxna fahan ogyihiin oo ay haboon tahay in aan waxba laga qarine dadka lala hadlo oo wax loo sheego lana fahamsiiyo faaidada wadanka ugu jirta iyo waxaynu ka heli doona, isla jeerkaasna la qanciyo shaqaale weynaha Dekeda oo lo damaanad qaado in aanay shaqadooda waawayn. taasi haday dhici waydana waxa war khaldan faafin doona dad kasoo horjeeda guud ahaan wadanka horumarkiisa sida ay hada wax u socdaan oo kale.

JImcale-Cawke
Berbera/Somaliland
4427090
Cawke99@hotmail.com