Iiraan oo hub ku daabushay Soomaaliya iyo Yemen’

0
383

waaxa qoreaya yaasir br

Hay’ad fadhigeedu yahay Britain oo cilmi baaris ku sameyso hubka loo adeegsado collaadaha ayaa sheegtay inay hayso caddeymo muujinayo in hub badan oo laga keenay Iran ay gaareen Soomaaliya iyo Yemen
Dad khubura ah ayaa baaray hubkan oo saarnaa maraakiib lagu qabtay ayaga oo maraya badda, waxaana lagu ogaaday in hubkan asal ahaan uu ka yimi Iran, qaar ka mid ah hubkaasina ay suuragal tahay in loo waday Soomaaliya oo kooxda Al-shabaab ay dagaal kula jirto dowladda iyo ciidamada Midowga Afrika.
Hubkan ayaa isugu jiray qaroyaha darandooriga u dhaca, gantaaallo iyo bambaanooyin.
Baaritaanno dheeraad ah oo la sameeyay, ayaa khuburada waxay sheegayaan in tirsiga hubkaasi ku diwaangalsan ay muujinayaan in lagu sameeyay dalka Iiran.
Balse khuburada ayaa wali ku howlan baaritaanka si loo ogaado cidda dhabta ah ee ku lug lahayd dhoofitna hubkaasi.
Mas’uulliyiinta qabtay markabkan ee dalalka Faransiiska iyo Australia ayaa sheegay in jiheeyayaasha marakiibtan iyo wareysiyo ay la yesheen shaqaalaha ay ku ogaadeen in ay ku socdeen Soomaaliya iyo Yemen.
Ilo wareedyo gudaha maamul goboleedka Puntland ah ayaa sheegay in maraakiib noocan oo kale ah ay hadda ka hor hub geeyen suuqyada Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan cusbooneysiiyay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, cunaqabateyntaasi ayaa haseyeeshee u oggolaaneyso xoogagga ammaanka ee Soomaaliya inay hub soo dajistaan.