In Ka Badan 100 Qof Oo Mar Kaliya Lagu Dilay Dalka Itoobiya

0
279

In ka badan 100 qof ayaa la dilay kaddib markii koox dabley ah oo aan heyntooda la aqoon weerareen tuulo ku taalla gobolka Benishangul-Gumaz ee dalka Itoobiya.

Weerarka ayaa dhacay maalin kadib markii ra’iisul wasaare, Abiy Ahmed, uu booqday gobolka uu weerarkan ka dhacay.

Dadkan ayaa la sheegay in qaarkood la toogtay halka kuwa kalana lala dhacay tooreey, iyadoo marka laga tago dhimashada sidoo kale in ka badan 30 qof la dhiggay goobaha caafimaadka kuwaa oo qaba dhaawacyo kala duwan.

War ka soo baxay guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay ku sheegeen in weerarka uu ka dhacay tuulada Bekoji, oo ku taalla aag ay ku nool yihiin qowmiyado badan oo isku dhaf ah.

“In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerar dab iyo toogasho isugu jira oo ay geysteen rag hubaysan waa barigii Arbacada”, guddiga ayaa yidhi.

Waa dhimashadii ugu ballaadhneyd oo mar kaliya lagu geysto gobolka, waxaana weerarkan uu la kulmay cambaareyn kala gadisan oo dhinacyo badan ka imaneysa.

halkan hoose ka akhriso waka ay ka qortay wakaalada wararka ee Reuters

https://www.reuters.com/article/uk-ethiopia-violence/dozens-dead-after-attack-by-gunmen-in-ethiopias-benishangul-gumuz-region-idUSKBN28X26Q

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here