In Yar Ayaad Qurux Badanan In Badana Waa Foolxuman

0
523

In Yar Ayaad Qurux Badanan In Badana Waa Foolxuman.

Qofku wuxu sharaf ku leyahay sida uu Illahay u abuuray madow iyo casan midka uu dono ha ahaade, qofku waa in u ku kalsoonada abuurta Alle,maxa yelay qofu Illahay u dhamaystiray Lixdisa laxad quruxi kama maqna .

Mawducan manta waxan ku falan qeynaya Dawooyinka ay dumarku isku cadeeyan iyo samaynta xun ay ku hayso Durmarkeena Soomaaliyed.

Daraasad cusub oo la sameeyey waxa ay muujineysaa in dawooyinka ay isticmaalaan dumarka Soomaalida si ay isugu caddeeyaan in ay ku jirto sun halis badan u keenta Khatar noloshooda iyo nolosha ilmaha uurka ku jira ah.
Waxyaabaha daraasadda lagu ogaaday waxaa ka mid ah in waxyaabaha la’is mariyo ay ku jirto sunta mabnuuca ah ee lagu magacaabo “Mercury”, taasi oo wax yeesha dareemayaasha, kaadi-Mareenka, islamarkaasina xitaa halis gaadhsiisa ilmaha uurka ku jira iyo kuwa naaska nuugaya.

Ka sokoow halista ay u geysato jidhka oo ay dubka ka ridaan, waxaa jirta halis intaasi kasoo balaadhan sida xanuuno la xidhiidha dhanka wadnaha Kansalka maqarka .

hadii mid ka mid ah habalaha somaliyeed ay wax ismariso qaar badan ayaa kaga dayanayaa waxaasi ay isticmaashay iyada oo aan loo eegay dhib iyo dheef waxa uu ugaysan karo.

hadaba waxaa iswaydiin leh waa Maxay Dawada Ay dumarka somalidu isku Cadeeyaan?
Dawooyinka Dumarku isku Cadeeyaan waxaa ka mid ah Daawooyin loogu talo galay in lagu daaweeyo Elerjiga iyo Caabuqa naburada, qaar kalena ay ku yihiinba khatar jidhka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah Daawooyinkaasi:
. Sheerli, Roose, muuf, farableen, Biliij, Riikoo, Top sheerli, Ritaana, Silfaana, Bitnoofaad, Riikoo Dhiiqo, Super Rose,Diyana, Silvana cream Iyo Qaar kale oo fara badan oo lagu isticmaalo meelaha ay somalidu degto oo aanan kusoo koobi Karin magacyadooda halkan loona istimaalo qaybaha kala duwan ee Jidhka, Gaar ahaana Wejiga, Gacmaha, Lugaha, Qoorta, iyo Qaar la mariyo Jidhka oo dhan. Waxa intaasi dheer Bacaha lagu xidho Gacmaha, lugaha, iyo Qaar lagu seexdo habeenkii loo Gashato sida Dharka oo kale.

Badanaa Dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay Dhibaatooyin Laxaadle u gaystaan Caafimaadka Qofka ismariya waxaana ka dhalan kara Cudduro hor leh , waxana ka mid ah.

Waxa ay Raadad xunxun ku reebaan Maqaarka Qofka isticmaala.
waxa ay Dilaan unugyada Difaaca Maqaarka.
Dabka iyo cadceeda oo ay u nuglaadan
Waxa uu Dibada usoo saaraa Xadidada Dhiiga qaada
Waxaa dhibaato ugaystaa Aragtida indhaha ee Qofka isticmaala
Waxa uu unuglaadaa Qofka istimaalaa inuu ku dhaco Kansarka Maqaarka.
Waxa aan hore u bogsan Naburada ku dhaca Jidhka qofka ismariya Dawooyinkani.
Waxaa ku sameeyaa Maqaarka Cuncun badan iyo Xasaasiyad
. Waxaa uu Cimri Degdeg ku keenaa Maqaarka.
Waxa ay ku Abuuraan Maqaarka qofka ismariya, Canbaar, iyo finan farabadan.

Waxa kale oo ay dhibaato Dhaqaale ku haysaa qofka istimaala dawadu oo hadh iyo habeen ay unoqotay balwad joogta ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi Karin.

Hadaba Maxaa Sababay In Dumarka Somaliyeed isticimaalan dawooyinkan.

Badanaa waxa ay tusaale gaaban iyo Jawaab ka Dhigtaan Dumarka Somaliyeed marka aad waydiiso maxa isku cadaysa,waxay kugu jawabaysa in aan Qofka madaw aan La tixgalin, Dhinaca guurka oo ay ka nasiib badantahay inanta Cad, oo ay somalida wakhtigani aaminsanyihiin Quruxda ugu mudani inay tahay Cadaanka.
Raga ayaa ku beerla xawsada Dumarka midabka madawleh in ay jecel yihiin gabadh midab caas leh , iyaga oo ku dheeldheelaya Midabka dahabiga ah ee illaahay ku manaystay ama quudhsanaya Gabadha madaw, Doqon iyo Habeenbaa madaw ee is cadee.

Taasi oo ay si qaldan ufasirtaan micnaha Maahmaada oo looga jeeday gabadh basari ah oo loogu maahmaahay iyada oo gurigeeda dabku ka bakhtiisanyahay oo uu madaw yahay, waxaanay hal hays unoqotay Hablaha is cadeeya oo faan ka dhigtay baryahan danbe “Doqon iyo Habeen baa madaw”.
Dumarku badanaa waa kii Nabi Maxamed N,N,K Xadiis laga soo wariyay uu lahaa “waa Naaqisaatu Caqli wa diin”. way jiraan Dumar badan oo Dhaqanka iyo Diinteena Suuban ku dhaqma oo ka dheeraada wixii Dhibaato ukeeni kara Diintooda, dhaqankood, iyo Naftoobada.

Waxyaabaha ugu waawayn ee loo aanayn karo Dhibtaasi waxaa ka mid ah Aqoon la,aanta iyo Jahliga oo ku badan Dumarka Somaliyeed, hadday noqoto Xaga Diinta iyo Cilmiga kale ee Maadiga ah, Qofka bani aadamka ahna Aqoontu way toosisaa, wayna nuurisaa, Dariiqa Saxda ahna badanaa kama baydho.

Qodobka labaad ee loo aanayn karo waxaa weeyi Raga intiisa badan oo aan si uwada tixgalin Dumarka Madaw iyo Dumarka cadaanka ah, iyada oo quruxdiiba baryahan danbe noqotay midabka cadaanka ah, oo aan loo eegay tusaalihii uu Nabigeenu N,N,K, inaga siiyay waxyaabaha Gabadha muslimada ah lagu dooranayo.
WAXAN TALO U SO JEEDINLAHA DUMARKA SOOMAALIYEED.

waxan Talo iyo waano usoo jeedinayaa Hooyooyinka Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan, way ogyihiin Hablohoodu dhibta ay faraha kula jiraan, Aakhiro-na waa lagala Xisaabtami Doonaa hadii ay ku gargaaraan Dhibkaasi ubadkooda. Runtii hooyo waliba way ka war haysaa Inanteeda iyo waxa ay isticmaalayso, markaa yaan la fudaydsan ayaan odhonlahaa Dhibaatadaasi maalin walba ku faafaysa Dumarkeena.
1. In oo gadan dhibatada kaga imanaysa isticmalka dawooyinka kimikada leh.
2. In ay ku kalsoonadan midabka Illahay u abuuray
3. In lagu xisab tamo dhaqalaha ku baxaya
4. In ay marsadan waxyaabaha dabiciga ah.
WIXI TALO IYO TUSALE AH HALKAN AYAAD KU SOO HAGAJIN KARTAN WAAD MAHADSANTIHIIN
Hinda20999@gmail.com
W/Q HINDA CABDI SHEEKH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here