Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka Qaybtii 2aad

0
340

Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka
(1948kii – 2015ka)
“Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,
Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,
Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,
Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,
Dadkii baad ka wada oohisee, danab miyaad aastay,
Dayaxaad madoobaysayeed, damisay nuurkiisa,
Dib miyaan indhaha loo tusayn, Diirshe Ina cawke?
Doobtiyo rakaaddiyo codkii, dananka reemaayey,
Dib miyaan Ducaaloow dheguhu daacad u maqlaynin?”

Baroor-diiqda Dayax-madoobaad ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Qormada: 2aad

Hargeysa, 22/11/2015ka

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Axmed Xasan Suufi-cilmi oo loo yaqaannay Axmed Xasan-cawke ama Ina Xasan-cawke wuxu ku dhashay magaalada Tog-wajaale 1948kii. Da’diisa ma aan sugin oo qoraal kuma aan helin, bal se waxaan ka dhaqaaqay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku dugsi iyo fasalba ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Caasha Aw Faarax Xirsi Mixille. Gabadh keliya ayay Axmed wada dhasheen oo ah Caneb.

Axmed wuxu dugsiyadii hoose/dhexe ku soo qaatay magaalada Tog-wajaale. Dugsigiisii Sare wuxu ku soo qaatay Cammuud, waxaanu dhammaystay 1970kii. Ka-dib wuxu ka bilaabay magaalada Gebilay shaqadiisii qaran. Halkaas ayaan ku bartay 1972kii. Aqoon badan uma aan lahayn. Axmed Xasan-cawke fadhi aan la fadhiisto oo aan sheeko la wadaago waxay ii ahayd maalmo ku jiray 2008kii, xilliyadii lagu jiray diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha. Inta badan waayo kala geddisan iyo meelo kala duwan ayaanu ku noolayn oo na kala qariyay.

Sannadkii 1973kii ayuu ka mid noqday dhallinyaro imtixaan lagu tartamayay u gashay Radio Muqdisho. Waxa tartamayay 17 dhallinyaro ah oo dugsiyada sare ka soo baxay shaqadii Qarankana dhammaystay. Waxa imtixaankaa ku gulaystay: Yoonis Cali Nuur, Cabdi Idiris Ducaale, Aadan Nuux Dhuule, Maxamuud Sheekh Dalmar, Axmed Xasan-cawke, Maxamed Cali Carraale iyo Maxamed Xasan (Terra). Beryaha qaar ayaa saami-qaybsigu sidaas iska ahaa. Heerkii beryahaa la taagnaa dhallinyaradan la qaatayba waxay wada ahaayeen reer woqooyi marka laga reebo Maxamed Xasan (Terra).

Markii barbaartas loo qaatay Radio Muqdisho ee ay imtixaankii ka gudbeen, waxay halkaa ugu tageen ruug-caddaa aan odhan karo waxay ahaayeen Raacii 2aad ee weriyayaasha Soomaaliyeed oo iyaga qudhoodu ahaa intii ka soo aflaxday Radio Hargeysa oo ahaa Raadyowgii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo la furay 1941kii. Idaacadaha kale marka aad dhaafto Laanta BBC-da ee afka Soomaaliga ku hadasha ayuu 16 sannadood ka weyn yahay ama ka horreeyayba.

Aan sheekadeennii Ina Xasan-cawke ku soo noqdo e’ isaga iyo colkii la wada qaatay ayaa tababarro iyo carbis lagu bilaabay. Waxa u bilaabay Raacaa 2aad oo ay ka mid ahaayeen: Mustafe Xaaji Nuur, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Siciid Caddaani, Mijir Qaaddi-Maxamud, Idiris Xasan Diirye, Weli Xaaji Cali iyo Idiris Cigaal Nuur. Raacii ugu horreeyay ee weriyayaasha waxaynu ka xusi karaynaa Xaaji Cabdi Ayuub oo ahaa qofkii soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee BBC-da ka hadla, kuna furay “Halkani waa BBC oo idin bariidin.”

Marka aynu si gaar ah ula baxno Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha warka sheega kuwa ugu fiican xagga tebinta iyo codkaba. Waxa intaa u raacayay xidhiidhsanaanta hadalka aan joogsiga iyo ku-margashada lahayn. Wuxu kaga tegay doobtii xariirta ahayd ee codka lab ee dheg-raaricinta leh dhegaystayaasha gaadhsiinaysay. Mararka warka la sheegayo dadka qaar ayaad mooddaa in ay iyagu isu warramayan, Axmed Xasan-cawke se waa uu ka duwanaa oo wuxu u warrami jiray dhegaystayaasha xiisaha u qabay qulqulkii weedhaha toolmoon ee sida webiyada cartama danankooda iyo reenkooda lagu raaxaysanayay.

Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha ugu fiican xagga tebinta ciyaaraha oo aan filayo in uu kaga deyday Weli Xaaji Cali oo cod degdeg ah oo cagta ama gacanta kubbadda wadata la xawliya ku gudbin jiray wararka ciyaaraha. Waxaan Dugsiga Sare ee Benaadir oo Muqdisho ku yaalla ku jiray 1964kii – 1968kii. Garoon kubbadeed ayaa dugsiga noogu yaallay oo aanu galbaha qaar kubbad ku ciyaari jirnay. Waxaan xusuustaa in uu noo iman jiray Weli Xaaji Cali oo rikoodh UHR ah sitaa oo kuwii cajaladaha waaweynaa ah. Halkaas ayuu annaga oo ciyaarayna ku baran jiray sida ciyaaraha wararkooda loo gudbiyo. Mararka qaarkood carruurta daawnaysa ayuu urursan jiray oo ku odhan jiran qaylo iyo sawaxan sameeya oo uu ka duubi jiray. Weli Xaaji Cali waa ninkii ciyaarihii gobollada oo la ciyaarayo oo ay isku haleeleen koox reer woqooyi ah iyo mid reer koonfureed ahi inta uu is-illoobay yidhi: “Innaga aya wadanna.”

Axmed Xasan-cawke dabeecadihii uu lahaa qaarkood wuxu ka watay ama ka raacayba aabbihii Xasan-cawke oo nin ballaadhan ahaa. Wuxu aabbihii ka mid ahaa mudankii ganacsatada magaalada Tog-wajaale. Wuxu aabbihii dhaqan iyo caadaba u lahaa in aanu dadka u kala qaybin reero iyo haybta ay ka soo jeedaan bal se uu magaalo ahaan u mideeyo. Wuxu aad iyo aad isugu deyi jiray in uu waayaha magaalada si fiican xogxogaal ugu noqdo magaceedana ilaaliyo.

Xasan-cawke waxa ceeb ku ahayd in ay dadka reer miyiga ah ee badeecadaha keenaa dib ula noqdaan mararka laga iibsan waayo. Shaqaalihiisa ayuu u diri jiray oo uu ku odhan jiray yaan badeecad magaalada la keenay dib reerihii loogu celin oo aan la odhan Wajaale waxba laguma iibsado. Sidaas ayuu kula wareegi jiray dhuxusha iyo xaabada la iibsan waayo si uu magaca iyo milgaha magaalada u ilaaliyo.

Xasan-cawke ayaa beri wiil malaha shaqo loo doonayay loo keenay. Baristii wiilka la barayay ayaa lagu yidhi: “Waa wiil fiican oo Reer Jigjiga ah.” Xasan-cawkena maalintaa wuxu reebay odhahhda ah: “Waa Reer Jigjiga iyo waa wiil fiican kala daaya.” Waxaan ka guntay inahaas Xasan-cawke ku saabsan muddaakaraat uu beryaha qaar noo marin jiray Xasan Warsame Seed oo aad u yaqaannay lana soo noolaa muddo dheeri.

Xagga nolosha qoysnimo Axmed Xasan-cawke laba jeer ayuu guursaday. Wuxu ku horreeyay Caasha Daahir oo u dhashay Maxamed iyo Farax. Markii uu London u digo-rogtay wuxu guursaday Sacdiya Cabdillaahi Salaad oo u dhashay: Xasan, Caneb iyo Sakariye. Dhammaantood waa ay nool yihiin.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)