Indhaha wax kama arkayn lakiin qalbigeeda indho lahaa By Sharmarke Geelle

0
500

Indhaha wax kama arkayn lakiin qalbigeeda indho lahaa: Waxaa qalbigayga ruxay oo ruuxdayda rajo iyo iftiin u furay markay ‪#‎Xaawa‬ kasoo qayb-gashay maalintii loo asteeyey wada jirka iyo Wax-qabadka ee bishan “19” waxay cod kalsoon badan ka muuqato iigu tidhi Dhirtu deegaanka waa u qurux dalkana waa u bilic, anna waxaan rabaa in aan deegaankayga geed ku darsado iyadoo ii raacisay anigu ma arki doono lakiin dadkayga ayaan dhaxal ahaan uuga tagayaa!!! hada garo oo #Xaawa araga indhaha Alle uu ka qaaday oo imtixaankaas ayey aduunka ku maraysaa waxayse ka aragti dheer tahay kumanaan indho qaba oo hadana qalbiga ka indho la’! .., waxay cadayn buuxda inagu tustay in indhuhu aanay ahayn halka wax laga arko lakiin qalbigu yahay meesha wax laga arko ama laga dhaayo beelo…. hadii in uun dhiirigalin qof laga heli lahaa walaasheen waa tusaale nool oo u nool in ay noolayso dadka aan noolayn ee hadana nool!
Waxaan si gaar ah uugu mahadcelinayaa walaalaha Farxa H Osman iyo Hoodo Ayaan oo ka soo caawiyey in ay goobta soo gaadho.
“انها لا تعمى الأبصار ولكن تعمى القلوب التي في الصدور”
12112289_1195450753817368_8427942937436358109_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here