Intee ayuu sii jiri doonaa amarka ah, dadka Koonfurta Soomaaliya u dhashay inay Somaliland u qaadan doonaan Ruqsad dal ku gal (Visa) Q: 2aad

0
453

Intee ayuu sii jiri doonaa amarka ah, dadka Koonfurta Soomaaliya u dhashay inay Somaliland u qaadan doonaan Ruqsad dal ku gal (Visa)  

Qalinkii:  Maxamuud Ducaale Saleebaan  (Maxamamuud-Tallaabo)

Q: 2aad

Intiinii akhriday maqaalkan qaybtiisii hore, waxaad la socoteen inaynu ku soo qaadanay, laba qodob oo kala ahaa, 1:  Qorshe ay besha caalamku waday oo looga gol lahaa isu soo dhawaynta labda dal ee Soomaaliya, Somaliland oo in muddo ah arrikooda dunidu xal u la’ayd, iyo qodobka 2: aad ee ahaa, warkii laga maqlay xubno wasiiro ah oo ka tirasan xukuumadda Somaliland oo sheegayay inay yihiin, guddi Maxawayne Siilaanyo u saaray ka soo tallo bixinta arrimaha isu socod ee labada dal, hadaba ma la odhan karaa labadan qodob xidhiidhbay leeyihiin ?, ka soo qaad inaynu nidhaahno Haa!! Oo hadiibay ay sidaas noqoto, waa fikir side ah?

Run ahaantii anigu markaan ka hadlo fikirkayga shakhsiga ah, waxaan leeyahay ma xuma, balse inta aynaan wax ka tilmamin halka  xaal  maraayo, aan waydiino qoladan beesha caalamka isugu yeedha ee hawshan ku masquulsan laba illaa saddex su’aalood,  oo amuurtan ku saabsan.

1. Side dalalka iyo ururadooda hawshan ku foogani daacad uga yihiin inay hawshani noqoto mid midho dhal ku dhammaata ?

2. Caalamku Ma ogyihiin Somaliland, iyo Soomaaliya,    koodda  aan wada hadalka u  diyaar  ahayn?

3. dalalk la deriska ah, dal wayinihii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, sidee ayay fikirkan ula dhacsanyihii? Kuwaasoo wakhti xaadirkan saamayn siyaasadeed, oo xoogan  iyo mid ciidanba ku leh Soomaaliya, iyo guud ahaanba, wadamada Daneeya (Stakeholders) arrimah dalkaasi?

4. beesha caalamku xog intee leg ayay ka haysaa, sida arintani uga iib gelayso dhanka Somaliland, mabda’iyan iyo siyaasiyanba (Principally &  Politically) gaar ahaan dhinaca shacabka oo ah kuwa iyagu iska leh go’aanka masiriga ah ee kama dambaysta noqonaya?

Su’aalahan, iyo kuwo badan oo la mid ah waxynu u daynaynaa ka jawaab celintooda ciddaha ay khusayso, oo ah bushada Caalamka, “international Community, and State actors”

Balse aan ku laabano halka iminka wax marayaan, ama war inoogu dambaysay’e.

Bishii u dambaysay sanadkii galbaday ee 2015kii, waxaa laga war helay shir qaadhaan bixin/ ururin, ahaa oo wadamada reer galbeedku ku doonayeen in kharash horuumarineed loogu diyaariyo dekedda Berbera,  kaaso la xidhiidhay balaadhinta adeegyada ay qabato, siiba kan ay siiso dalka Ethiopia“ waa mashruucii, Berbera Corridor “  warkan oo sida la sheegay uu dhawaan baahiyay wargays laga leeyahay dalkaasi maraykanku, waxaa dawlada Soomaaliya si wayn ugu suxul duubtay in hawshaa la joojiyo, waxaana inasoo gaadhay, in dawladda Soomaaliya ku guulaysatay baajinta barnaamijkaasi, iyadoo leh Berbera waxay ka mid tahay Soomaaliya, Soomaaliyana anagaa dawlad ka ah, ee ha la jojiyo qorshahani, nama anfacee!!!.

Hadaba, amuuraha sidan ah oo aalaaba ka yimaada dhinaca maamulka magaalada Muqdisho, wakhtiyada ay soo afyeeshaan wadda hadalo labada dal ee Somaliland, Soomaaliya ayaa ah kuwo loo filaayo in aan laga jeclay dhankaa iyo Maamulka Xamar, xeeshaas iyo waxay  ka daarantahayna, jawaabteeda dib ayaa laga ogaandonnaa,  War jiraaba Cakaaruu iman.

Arrimahaan isku laban aan intaas ku daynee, markii wararkaasi soo if baxeen ayaa dhinaca  Somaliland, waxaa ka soo burqaday, jawaabo iyo awaamiir isku wadda wakhti dhaw oo u muuqday in Xukuumadda Somaliland kaga hal celinayso cadhadii ay ka qaaday, far gelinta dami la ee Xasan sh Maxamuud iyo maamulkiisu ku hayaan arrimaha Somaliland, amuurtaas oo  ugu horayn uu ka hadlay GuddomiyahaXisbiga Kulmiye,  ahna musharaxa Madaxwayne ee Xisbil Xaakimka Kulmiye, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo si adag u naqdiyay, laba maalmood ka dib waxaa isna isagoo u waramaaya Wargayska Dawan , ka dhawajiyay inay dadka ajaanibka ah dalka ka sarayaan, Wasiirka Wasaaradda dib u dejinta JSL Mudane Cali Siciid Raygal, kaasoo aan carabka ku dhufan inay dadkaas ku jiraan Soomaalida ka soo jeedda koonfurtu, balse dabcan luqadda Wasiirku ku hadlay ayaa ahayd mid sidaas laga dhadhansan karay.

Mar kale, laba cisho ka dib oo ahayd 29/12/2015, Wasiirka Wasaradda arrimaha Gudaha Somaliland JSL Mudane Cali Maxamed Warancadde isagoo ka hadlaaya xaflad madaxwayne Siilaanyo, xadhigga kaga jaraayay dhismaha cusub ee loo asteeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha” ayaa Wasiirku ku shaaciyay, amar cad oo leh dadka reer soomaliya waxay wadanka Somaliland ku soo gelayaan Baasaaboor ay leeyihin, iyo Ruqsadda dal ku galka Somaliland, (Visa)

Jawaabahan iyo awaamiirtan bulshada reer Somaliland badankoodu si wayn ayay u soo dhaweeyeen, waxaanay dhulka dhugeen su’aal ay jawab u doonayeen oo mudnayd in laga war celiyo, waxayse is waydiinayaan intee ayay sii jiri doonaan warkaa iska daba yimiy,? Muuxuu noqo doonaa mawqifka dhabta ah ee ay  dawladda Somaliland arrimahan iska taagi doontaa? Mase ku sii  adkaysan doontaa amarkaa Fiisaha? Iyo mastafurinta

Jawaabta runta ah waxaynu u dhafaynaa mustaqbalka iyo sida xaal ku dambeeyo

  Dhammaad

Waa Billaahi Tawfiiq