Is-afgarad Laga Gaadhay Waan Waantii Laga Dhex Waday Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Musharaxiinta Mucaaridka Ah

0
281

Ergada waanta waanta ka dhex waday Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn xalay ku guulLeystay dadaaladii ay wadaan inuu is afgarad ka dhasho, iyadoo la isku dhowaaday.

Xubin ka tirsan Ergada ayaa xaqiijiyay in maalinta berri kulan qado ah Hotelka Decale ku yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta, Raysal Wasaaraha, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.

Ergada waan waanta ka dhex waday labada dhinac ayaa hordhigay Raysal Wasaaraha saddex qodob oo ay u soo dhiibeen oo kala ahaa:-

1- in la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo
2- in bannaan baxa la ogolaado
3- in shirarka wadatashiga Qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta

Wararka ayaa sheegaya in saddexda qodob laba ka mid ah uu aqbalay Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo aan qodobka kale la isku afgaran oo la sheegay inuu yahay mid ku xidhan Madaxweynaha, waxaana qodobka uu yahay kan saddexaad ee ah dalabka Musharaxiinta inay qeyb ka noqdaan Shirka Wadatashiga Qaran.

Si kastaba ha ahaatee tallaabadan iyo dadaaladan ayaa waxay dejin kartaa xiisada maalmaha ka jirtay magaalada, iyadoo cabsi badan jirtay oo ahaa in gacan ka hadal uu dhaco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here