Isku aadka Champions League oo Hada lagu dhawaaqay iyo cida ku guulaysatay Xidignimadii tolow yaa qaaday

0
457

Isku aadka Champions League oo Hada lagu dhawaaqay iyo cida ku guulaysatay Xidignimadii tolow yaa qaaday.

Hargeysa (Warsugannews-Sports) waxa caawa la isku beegay 32 ka kooxood ee sanadkan 2015-2016 ku loolami doona Champions League.

Sidoo kale waxa iyana la bixiyey xidignimada haweenka iyo raga ee Uefa Best Play oo ay ku kala guulaysteen Lion Messi iyo Sasic oo iyana ka socotay dhanka haweenka.

isku aadkan ayaa noqonaaya mid xiiso gaara u leh kooxaha, ciyaar yahanada iyo Tababarayaasha kuwaasi oo ay sabab u tahay in kooxaha qaar ay sanadkii hore iyo kanba ay ksu group noqdaan taasi oo koox weliba ay ku dedaalayso in ay ka aarsato tii hore ama ay iska caabido si aanay uga aar gudan, halka Ciyaar yahanada qaarna ay ku noqonayaan garoomo ay sanadkii hore ka ciyaari jireen balse sanadkan laga iibsaday kooxdiisi hore sida Ciyaar yahanka da’a yar ee Manchester ay ka soo iibsatay PSV Eindhoven kaasi oo ah Memphis Depay oo ciyaarihii ay manchester ciyaaraysay ee is reebreebka champios ka ka dhigay wacdaro.

Halka Jose Mourinho oo ah tababaraha Chelsea uu ku noqon doono garoonkii uu ku soo shaacbaxay ee FC Porto 2004 kii markii uu u qaaday Champions ka kaaxdaasi ka dibna uu chelsea u soo wareegay, balse uu ku noqon doono mar kale isaga oo wata kooxdii uu ugu soo wareegay ee Chelsea.

Hadaba waa tan sida laysugu beegmay iyada oo kooxana ku jiraan farxad iyo dhoola cadayn kuwana ay hoosta ka guuxayaan oo ay ka sii naxsan yihiin kooxda ku soo hagaagtay.

• Group A: Paris St Germain, Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Malmo
• Group B: PSV Eindhoven, Manchester United, CSKA Moscow, VfL Wolfsburg
• Group C: Benfica, Atletico Madrid, Galatasaray, Astana
• Group D: Juventus, Manchester City, Sevilla, Borussia Monchengladbach
• Group E: Barcelona, Bayer Leverkusen, AS Roma, BATE Borisov
• Group F: Bayern Munich, Arsenal, Olympiakos, Dinamo Zagreb
• Group G: Chelsea, Porto, Dynamo Kiev, Maccabi Tel-Aviv
• Group H: Zenit St Petersburg, Valencia, Olympique Lyon, Gent
_85226376_cldraw_getty

_85230500_draw
Warsugannews
Somaliland
Hargeysa/ Office
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here