Isku aadka Rubuc dhamaadka Copa del Rey oo la sameeyay, Barcelona iyo Real Madrid oo la kala ilaaliyay

0
397

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa sameeyay isku aadka Rubuc dhamaadka koobka boqorka Spain oo sanadkaan aad u xiiso badan.

Waxaa la kala ilaaliyay kooxaha ugu tunka wayn Spain ee Real Madrid iyo Barcelona, kuwaas oo ka soo kala adkaaday kooxaha Bilbao iyo Sevilla.

Real Madrid ayaa la ciyaari doonta rubuc dhamaadka kooxda Celta Vigo, halka Barcelona ay la ciyaari doonto kooxda Real Sociedad.

Kulamada lugta hore ayaa la ciyaari doonaa 18/19 ee bishaan Janaayo, kulamada lugta labaad ayaa la ciyaari doona 24/25 ee isla bishaan.

Isku Aadka oo Dhamaystiran:

Real Sociedad vs Barcelona.

Alcorcon vs Alaves.

Atletico Madrid vs Eibar.

Real Madrid vs Celta Vigo.