Itoobiya: Maxa ka jira in dadka u dhashay Tigreega si gaar ah loo beegsado?

0
931
Tobanaan kun ayaa ka qaxay colaadda ka taagan gobalka Tigrey

Tobanaan kun ayaa ka qaxay colaadda ka taagan gobalka Tigrey

Qaar kamid ah qoomiyada Tigreega ee kusugan wadanka Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay sida loo dhibaateeyay, loo xiray ama loo takooray tan iyo markii uu dagaalku ka bilawday gobolka ay kasoo jeedaan 4-tii bishaan Nufeembar.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa carabka ku adkeeyay in colaadda ka taagan waqooyiga gobolka Tigray ay tahay mid looga soo horjeeda kooxo dambiilayaal ah oo ka dhex jirta xisbiga awooda ku leh gobalkaas ee TPLF, laakiin wararka laga helayo meelo kale oo dalka ka mid ah ayaa sheegaya in ay jirto cabasho ka imaaneys qoomiyada Tigreyga .

Bulshada Tigreygu waxey dadka dalka Itoobiya oo ka badan 110 milyan ka yihiin boqolkiiba 6% in badan oo ka mid ahana waxaa ay ku noolyihiin meelo ka baxsan gobalkooda waqooyiga ku yaalla.

Dowladdu waxaa ay beenisay in si gaar ah loo dhibaateeyo qoomiyad waxaase ay sheegtay in talaabooyinka shaqsiga loo qaaday sababo ammaan awgood.

Qaar ka mid ah ciidammada amniga ayaa BBC-da u sheegay in hub ka dhigis lagu sameeyay laguna amray inay guryahooda joogaan.

Hubkaaga wareeji

Mid kamid ah dadkaasi waxay ahayd haweeney sarkaal ah oo in ka badan 20 sano la shaqeyneysay booliiska balse mar waxaa ay ka soo mid noqotay ciidamada kooxda TPLF, asalkeedii horena waxey aeed meleeshiyo.

Waxay sheegtay in laba maalmood ka dib markii uu dagaalku billowday, ay taleefan ka heshay sarkaal sare oo ka codsaday in ay maalinta xigta xafiiska iska xaadiriso.Markii ay tagtay xafiiskana waxaa “lagu amray inay wareejiso dhammaan hantida dowladda iyo qorigeyga.

Waxay intaa ku dartay in qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee sar sare, oo waliba Tigreega ahaa, isla amarkii adkaa la siiyay

Dowlada kama aysan hadlin eedeynta ah in saraakiisha booliiska hub ka dhigis lagu sameeyay sababo la xiriira qoomiyadda ay ka soo jeedaan.

Balse mar uu ka hadlayey arrintaan Mamo Mihretu, oo ah lataliyaha raysal wasaaraha, ayaa BBC-da u sheegay in la qaadayo tallaabooyin sharciga waafaqsan oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka qoomiyadaha ku saleysan waxaana uu intaa raaciyay in la cambaareyn doono isla markaana aan la aqbali karin waxyaabaha caynkaas ah .

Si kasataba ha noqtee waxaa jira amar cad oo la siiyay laamaha amniga oo la xiriira in howlahooda ku saleyaan hadba kjatartu inta ay la egtahay iyo xogta ay helaan”.

Qaar ka mid ah askarta Itoobiya ayaa ka cawday in si gaar ah loogu takooray qowmiyaddooda
Qoraalka sawirka,Qaar ka mid ah askarta Itoobiya ayaa ka cawday in si gaar ah loogu takooray qowmiyaddooda

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay sanadkii 2018-kii ra’iisul wasaaruhu wuxuu isku dayay inuu xoojiyo midnimada dadka dalka Itoobiya isagoo sidoo kale ixtiraamaya aqoonsiyada iyo xuquuqda kooxaha kala duwan ee xukuma 10-ka dowlad goboleed ee federaalku ka koobanyahay.

Balse khilaafka ka taagan gobalka Tigreyga ayaa hadda bannaanka soo dhigay sii wadada talaabooyinkaas in ay yihiin kuwo aan sahlaneyn.

BBC-da waxaa sidoo kale soo gaaray in askari federaal ah oo leh 14 sano oo khibrad ciidan ah uu ku andacooday in isaga iyo dad kaleba si gaar ah farta loogu fiiqay sababtoo ah waxaa ay ka soo jeedaan qoomiyadda Tigrey sida uu tilmaamay.

Wuxuu sheegay in lagu xiray bakhaar isaga iyo asakar asxaabtiisa ahaa oo gaarayay ku dhowaad 90 xubnood iyo xubno kale oo Tigrey ah kana tirsan ciidamada qalabka sida. Waxaa laga qaaday taleefannadooda, “waxaana loola dhaqmay sidii maxaabiis dagaal, ayuu yiri”.

“Kaliya Tigreega ayaa hubka laga dhigay oo si wada jir ah loo xiray. Marka, way cadahay in arrintaan ay salka ku hayso qoomiyadeena,” ayuu raaciyay askarigaan oo doonayay inaan magaciisa la sheegin.

Markii kuwa la xiray ay ka horyimaadeen dadka iyaga haystay “waxay dhaheen: ‘TPLF waxay soo weerartay [saldhigeena woqooyiga] amarkaan lagu xirayana wuxuu ka yimid xagga sare'”, ayuu u sheegay BBC.

‘Lahjad Tigree ah’

Dadkaas la qabtay waxaa kamid ahaa halyeeyadii kooxda TPLF ee kahortagtay kaligii taliyihii Markis Mengistu Hailemariam, oo xukunka laga tuuray sanadkii 1991-kii. Kooxda TPLF ayaa markaa kadib noqotay awood siyaasadeed ee wadanka oo dhan ka jirta laakiin waxaa la sheegayaa inay garab istaageen Mr Abiy markii uu xukunka qabtay sanadkii 2018-kii.

Qaar kale waxay ahaayeen saraakiil sarsare oo Milateri ah, oo qaarkood ay wakhti ku soo qaatay gudaha Soomaaliya iyagoo ka mid ahaa ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya, ayuu yiri askariga diiday in magaciisa la sheego.

“Weligay ma fileyn in dadka sida hagar la’aanta ah ugu adeegay ciidanka qaranka iyo dalkooda in sidan loola dhaqmayo.”

Markii dambe waxaa u suurta gashay inuu ka baxsado bakhaarkii, isagoo iska dhigey qof shacab ah wuxuuna cararey dal deris la ah, dalkiisas halkaa oo uu BBC-da kula hadlay.

Wuxuu sheegay in markii uu xadka ka gudbayay uu taxadaray isagoo qarinayay lahjadiisa Tigreega si uusan u kicin shaki, wuxuuna intaas ku daray inuu u baqayo nolosha asxaabtiisa uu kaga tagay bakhaarka.

Shaxda muujineysa qoomiyadaha Itoobiya
Qoraalka sawirka,Shaxda muujineysa qoomiyadaha Itoobiya

1px transparent line

Illo wareedyo kale ayaa BBC-da u sheegay in dad badan oo Tigree ah, oo horey uga tirsanaa ama haddaba ka tirsan ciidamada qalabka sida, la xiray ama guryahooda baaritaan lagu sameyay qaarna xabsi guri ayaa laga dhigay.

Markii la weydiiyay inuu faallo ka bixiyo, taliyaha guud ee ciidamada Gen Berhanu Jula wuxuu BBC-da u sheegay in tani ay tahay “arrin siyaasadeed” isla markaana uusan awoodin inuu ka jawaabo.

Eedeyntan ku saabsan qowmiyadda kuma koobna xubnaha militariga iyo booliska.

‘Waxaa lagu eedeeyay gudbinta hubka ‘

Haweeney rayid ah oo u dhalatay qoomiyada Tigreega, oo codsatay in aan magaceeda la shaacin iyadoo u baqeysa amninigeeda, ayaa BBC-da u sheegtay in toddobaadkii la soo dhaafay koox hubaysan, oo umuuqday inay ka tirsanyihiin ciidamada amaanka, ay ugu yimaadeen gurigeeda, ayna baarteen, lana wareegeen waraaqo bangi oo ay ka qaateen sidoo kaleaAabaheedna ayay ka xaysteen oo muddo ku shaqeeynayay darawalnimo.

Waxay sheegtay in intaas kadib la hayey laba maalmood waxaana lagu eedeeyey inuu “u safray Tigreega isagoo wata lix milyan oo bir oo lacagta Itoobiya ah una dhiganta ($ 160,000; oo doolar ) kadibna uu ku laabtay Addis Ababa isagoo hub wada”.

Arrintan ayaa sidoo kale la sheegay inay saameyn ku yeelatay qaar ka mid ah ururrada ay dowladdu maamusho sida shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

Dhowr shaqaale Tigrey ah ayaa lagu qasbay inay fasax qaataan ilaa amar dambe ama guryahooda ay ka shaqeeyaan, ilo wareedyo ka tirsan diyaaradda ayaana sidaa BBC-da u sheegay balse diyaaradda Ethiopian Airlines kama aysan jawaabin codsiyo BBC-du la wadaagtay oo la xiriira in ay arrintaan wax ka yiraahdaan .

Qoraalka Muuqaalka,Qalalaasaha Gobolka Tigrayga: Afar arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato

2px presentational grey line

Barnaamijka Cunada Aduunka ee Qaramada Midoobay ee (WFP) ayaa dhawaan sheegay in sarkaal boolis ah uu ka codsaday shaqaalaha xafiiskooda laanta gobalka Amxaarada inay siiyaan macluumaad dheeri ah oo la xiriira shaqaalahooda iyo deegaannada ay ka soo kala jeedaan dhalasho ahaan.

Dowlada dhexe ayaa ku tilmaamtay warbixinada sheegaya kala soocidda qowmiyadaha inay tahay “marin habaabin ah “. Waxay sheegtay in sarkaalka booliiska ah uu ku shaqaynayay hab sirdoon gaar ah iyo in kooxda TPLF “hawl wadeenada ay kujiraan kuna firfircoonyihiin ururada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee wadanka k ajira”

Dowladda ayaa intaas ku dartay in sarkaalka booliiska ah uu hayey liis magacyo ah sababtaasna uu u aaday xafiiska WFP si uu u soo arko haddii qof ka mid ah liiska uu halkaasi ka shaqeeyo.

Waa arrin iska cad in howlgalka amniga uusan kaliya quseynin waxa kadhacaya gobalka Tigreega iyadoo mas’uuliyiinta federaalku ay ka walwalsanyihiin taageerayaasha kooxda TPLF ee ku sugan deegaannada kale ee dalka Itoobiya.

Balse dadka BBC-da la hadlay ayaa sheegaya in waxyaabo badan gooni looga dhigay qoomiyadda ay ka soo jeedaan.

Caqabada midnimada

Haddii khilaafku muddo kooban soconayo isla markaana meesha laga saaro tabashada qoomiyadeed waa arrin dhidibada loo taagi karo midnimado balse haddii xiisadu sii socoto waxaa jira cabsi laga qabo in nolosha dadka Tigreega ah ee ku nool deegaannada kale ay adkaan doonto.

Inkasta oo ay u arkeen kooxda TPLF mid caqabad ku ah qorshaha lagu doonayo midnimada qaran, haddana saameynta isku dhacyada waxey culeys weyn ku noqon karaan aragtida raiisul wasaaraha ee ah inuu wadanka isu keeno.

“Haddii ay jiraan wax ay dowladdu sameyneyso, waa in la abuuro bulsho xoojineysa xiriirka isu kaana xiraya,” ayuu yiri Abiya Mr Mamo oo BBC-da la hadlay.Balse xaaladda ka taagan gobalka Tigreyga waxaa ay mugdi galineysaa yoolka Abiy ee ku saabsan midnimada umaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here