Itoobiya Oo Heshiis Millatari La Gashay Dowlada Ruushka

0
262

Dowladda Itoobiya ayaa heshiis Iskaashi Millatari ah la gashay dowlada Ruushka, iyadoo heshiiskuna uu yahay mid la xidhiidha Aqoonta Ciidan, Difaaca, Awoodda farsamo iyo qalabka ay adeegsanayaan.

Heshiiskan ayaa yimid kadib shir saddex cisho ah oo labada dowladood ay yeesheen,sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee FANA.

Maamulka Abiy Ahmed ayaa ka codhooday go’aanka Mareykanka ee xayiraadda socdaalka looga joojiyay Saraakiisha Dowladda ee ku eedeysan dhibaatooyinkii ka dhacay Ismaamulka Tigray ee dhaca Waqooyiga Itoobiya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku tilmaamay dowlada Maraykanka inay garab u tahay dowlada Maraykanka dalalka Masar iyo Suda khilaafka ka jira dhismaha biyo xidheenka Nile.

Mareykanka waxa uu garab xooggan Itoobiya ku siiyay dhinacyada Millatariga, dhaqaalaha iyo arrimo kale, balse xidhiidhkooda ayaa xumaaday kadib markii November 2020 Abiy Ahmed uu amray in dagaal lagu soo afjaro Xoogagga Tigray oo ka soo horjeeste dib u dhigista doorashada dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here