Jaaliyadda Reer SAAXIL Ee Dalka UK Oo Kalsoonidii Kala Noqday Guddigii DAN IYO DUCO

0
399

Jaaliyadda Reer SAAXIL Ee Dalka UK Oo Kalsoonidii Kala Noqday Guddigii DAN IYO DUCO, Ka Dib Markii Ay Ka Soo Bixi Waayeen Hawlihii Bulshada Reer Saaxil Ay U Xilsaarteen. Gobolka Saaxilna Xukuumadda Silaanyo Ay Iminka Ka Bilowday Booba Yaa Wadani:

Anaga oo ku hadlayna afka Jaaliyadda reer Saaxil ee Dalka UK waxaanu kalsoonidii kala noqonay Guddigii Odayaasha ee DAN IYO DUCO, ka dib markii ay ka soo bixi waayeen hawlihii loo xilsaaray kana danaysteen dhibaatooyinka iyo dayaca dul hoganaya Gobolka Saaxil. Oo iminka Xukuumada Siilaanyo ay ka bilowday boob iyo bililiqaysi loo gaysanayo Hantidii Maguurtada ahayd ee Qaranka Somaliland kuna taalay magaalada Berbera, arrintaas oo ay u fududeynayaan qolooyin calooshood u shaqaystayaal deegaanka u dhashay oo uu kow ka yahay Mareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor oo isagu ku caan ah in uu markasta qayb weyn ka qaato hirgalinta barnaamijyada dhagaraysan ee Madaxtooyadu ay ka hirgaliso magaalada Berbera.

Bahweynta Reer Saaxil , Guddiga DAN Iyo DUCO waxay u samaysteen in ay ka turjumaan baahiyaha deegaanka iyo horumarka deegaanka, balse waxaad moodaa in ayaamahan danbe ay Guddigii DAN IYO DUCO ka danaysteen hawshii bulshadu u dooratay, qaarkoodna la sheegayba in ay dhexfadhiyaan madbaqa Madaxtooyadda.

Sidaa darteed, Bahweynta Reer Saaxil ee ku nool Dalka Guddihiisa iyo Dibadaba waa in shir deg deg ah laysugu yimaadaa oo looga arrinsanayo sidii aynu u dooran lahayn Gudi ina Matasha, kana hadasha boobka lagu hayo Deegaanka Gobolka Saaxil oo ah Hooyada Dhaqaalaha ee Somaliland. Qaasatan Dhalinyarada iyo Dumarka reer Saaxil waa in ay Fadhiga ka Kacaan una diyaar garoobaan difaaca deegaankooda ay ku soo duushay Xukuumada Siilaanyo ee Mabaadiidda Qabiileysan ee Hanti-boobka ku shaqaynaysa

Xukuumada Ku Meelgaadhka ah Siilaanyo hogaamiyo, waxaanu u diraynaa fariin cad oo oranaysa markii hore waxaanu kugu ixtiraamaynay codka shacabka Somaliland, anagoo wax badan oo hagar daamo ah ugu dulqaadanay nabadgalyada iyo wadajirka Reer Somaliland, iminka xukuumadda Siilaanyo waa ku meelgaadh.

Hadaba inta la helayo Xukuumad Shacabka reer Somaliland Codkooda ku soo doortaan. Shacabka reer Saaxil ma aqbalayaan heshiis kasta oo ay soo saxeexdo Xukuumadda Ku-meelgaadhka ee Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo oo iminka u soo ban baxday xaraashka hantida qaranka Somalialnd. Dadka reer Saaxil waxay taageerayaan oo soo dhawaynayaan go’aanka Golaha Wakiiladu ay ku laaleen heshiiskii xaaraanta ahaa lagu xaraashayay Haamaha Shiidaalka Berbera.

Haddii ay Xukuumada Siilaanyo ee ku-meelka ah ay joojinwaydo Xaraashka Hantida Qaran ee Deegaanka Gobolka Saaxil, isla markaana ay ku adkaysato iibinta Haamaha Shiidaalka Berbera, waxa shaki ku jirin in Gobolka Saaxil ay ka bilaabmi doonto Amaandaro xoog leh, arrintaas oo saamayn doonta dhaqaalaha dalka iyo amaanka guud ee Qaranka. Sababtoo ah dadka reer Saaxil inbadan ayay samrayeen una dulqaadanayeen nidaamka xukuumada Siilaanyo ee Qabyaalada Qaawan ku dhisan.

Mr. ABDULQADIR MOHAMED CABDULAHI (CUKAASHE)

Dr. Yaasiin Axmed Ismail

Mr. Axmed Warsame Warfaa

Eng. Faysal Abdiraxmaan Maxamuud

Mr. Ali Axmed Cabdilahi

Mr. Abdiqadir Warsame Cismaan

Mr. Abdirashiid Cismaan Yuusuf

Mr. Abdiqaadir Jaamac Haabiil

Mr. Cigaal Ibraahim Maxamed

Mr. Muuse Abokor Cismaan

Mr. Abdisamad Axmed Hugur

Ms. Yaasmiin Axmed Warsame

Ms. Ifraax Maxamed Yaasiin

Ms. Deeqa Cumar Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here