Jaamacada ADMAS Oo In Kabadan 930 Arday Ka Qaaday Imtixaanka Galitaanka Jaaamacada.

0
512

Jaamacada ADMAS Oo In Kabadan 930 Arday Ka Qaaday Imtixaanka Galitaanka Jaaamacada.

Hargeysa(Warsugannews) Jaamacada ADMAS UNIVERSITY oo imtixaanka galitaanka ardayda cusub(Fresh Students) Ka qaaday kaasi oo ahaa mid ay arday aad u tirro badani ka qayb qaadanayeen jamacada ADMAS oo ka mid ah jaamacadaha sida weyn uga qayb qaata hirgalinta iyo toosinta tubta aqoonta Somaliland.

Ardaydani maanta imitixaanka u fadhiisatay oo tiradoodu ahayd 930 Arday ayaa waxa ay ahayeen ardaydii ka soo baxday dugsiyada sarre ee dalka kuwaasi oo nidaamka sax-da ah u soo maray isdiwaan galinta jaamacada caalamiga ah ee ADMAS.

Maamulka Sare ee jaamacada caalamiga ah ee ADMAS oo ugu baaqay Dhamaan ardayda cusub ee u fadhiisatay imtixaanka galitaanka jaamacada in ay ku soo dhawaynayaan gacmo furan iyo aqoon tayo sarre leh taasi oo ay bixinayaan barayaal khibradooda Dheer u leh wax dhigista,waxaana ilaa hada si habsami ah u socota ardayda kale ee u baahan in ay is-diwaan galiyaan.

Jaamacada caalamiga ah ee ADMAS oo inta badan ka mid ah jaamacadaha sida hagar laanta ah ee uga qayb qaata kor u qaadida aqoonta dhalinyarada heerka jaamacadaha eek u suga mandaqadani geeska afrika ayaa waxa ay soo kordhisay culuumta Caafimaadka oo ayna hore u bixin jirin jaamacada ADMAS.

Geesta Kale Waxa Lagu Wargalinayaa dhamaan Ardaydani cusub ee maanta u fadhisatay imitixaankani in xaflada soo dhawaynta ardayda cusub ay tahay 20/10/2015 oo ku beegan maalin Salaaso ah habeenimada ay Arbacadu soo galayso iyo xarunta jaamacada caalamiga ah ee ADMAS qaybta guud(Main Campus).
ad 1

ad 2

ad 3

ad 4

ad 5

ad 6

ad 7

ad 8

ad 9

ad 10

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here