John Kerry oo soo dhaweeyay wadahadallada Suuriya

0
379

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, oo si aad ah ugu howlanaa wadahadallada nabadda ee Suuriya sanadkii tegay ayaa dhowr heshiis oo uu la galay waddanka Ruushka ay markii dambe waxba ka socon waayeen, iyadoo xukuumadda Moscow ay gacan ka geysatay sidii dowladda Suuriya ay ula wareegi laheyd magaalada Xalab ee dalkaaasi.
Dowladda Ruushka oo kaashaneyso dowladaha Turkiga iyo Iiraan ayaa bilowday inay abaabusho wadahadala nabadeed.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mr Kerry, waxa uu sheegay in Mareykanka aanu ka marneyn arrimaha Suuriya, isagoo intaa ku daray in Mareykanka uu dabada ka riixayay wadahadalada Geneva oo ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay.
Kerry ayaa in muddo ahba difaacayay siyaasadda Mareykanka ee Suuriya tan iyo sanadkii 2013-ka kaddib markii madaxweyne Obama uu meesha ka saaray talaabo milateri, haddii madaxweyne Bashaar Asad uu adeegsado hubka kiimikada.
Dhanka kale Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku booriyay wadammada Ruushka iyo Turkiga in ay ka shaqeyaan qorshe nabadeed oo sahlaya sidii lagu soo afmeeri lahaa colaadda Suuriya, maadaama labadaasi dal ay ka soo shaqeyeen xabbad joojin ka hirgashay dalkaasi.
Xabbad joojintaasi ayaa lagu raja weyn yahay in ay horseedo wadahadalo dhexmara dowladda iyo kooxaha mucaaradka Suuriya