Kaluumaysiga Sharci Darrada Ah Ee Xeebaha Soomaalida Oo Kordhay iyo Warar Laga Qabo Soo Noqoshada Budhcad Badeeda

0
418

Kaluumaysiga Sharci Darrada Ah Ee Xeebaha Soomaalida Oo Kordhay iyo Warar Laga Qabo Soo Noqoshada Budhcad Badeeda

Muqdisho(Warsugan) Warbixin ay soo saartay hay’ad fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa sheegtay in si sharci darro ah looga kaluumaysto xeebaha Somalia saddex laab inta Soomaalidu ka kaluumaysato.

Wadanka Iiraan, Yemen iyo wadammo kale ayaa ugu badan kuwa sida sharci darrada ah uga kaluumaysta xeebaha Soomaalida, iyadoo lagu qiyaasay lacagta Soomaalidu ka samayso kaluumaysiga konton kun oo Milyan, halka kuwa sharci darrada uga kaluumaystaa ka sameeyaan lacag dhan saddex boqol oo Milyan dollar.

Khabiirrada ayaa ka digaya in kalluumaysiga sharci darrada ee ay sameeyaan maraakiibta waawayn ee ajnabiga inuu dib u soo celin karo budhcad baddeedii Soomaalida ee ku doodi jiray inay badahooda ka ilaalinayaan xatooyada kaluunka sharci darrada ah ee laga guranayo.

Warbixint ay soo saareen (One Earth foundation) ayay ku sheegeen in maraakiibta ay kalluumaystaan saddex jibaar inta ay kalluumaystaan Soomaalida, iyagoo ka samaynaya in kabadan saddex boqol oo milyan oo dollar.
Budhcad baddeeda ayaa marar badan sabab uga dhigtay weerarkooda inay ku joojinayaan kalluumaysiga sharci darrada ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inay u daran tahay deegaanka, iyadoo shabaqyada kalluunka ee waawayn ee loo isticmaalo biyaha hoostooda uu baabi’iyo waxa badda ku dhex nool.

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here