Kas-Darran! Qeybtii 2-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad

0
721

Kas-Darran! Qeybtii 2-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad

-Cannab,waa qof qurux iyo qaayoba nasiib-u-heshay,waana sababta uu Cismaan horeba ugu sahan-sadday. Waxay la dhalatay Shan Qof oo ay iyaddu ugu yar-tahay,dhamaantood waa  Wiilaal.Inta uu Cismaan og-yahay ka sawkaw Waxbarashadda Dugsigga Hoose/Dhexe iyo sareba,waxa u raacda Barashadda Xirfaddaha Caafimaadka Iyo Cunto-karinta oo aanay inta badan Hablaha dhigeed ahi aanay baranin.Waa Qof nasiib-u-heshay Hooyo Maskax-furran,dhamaan guulaha dhinaca Nolasha iyo Wax-barashaddaba ee ay gaadhay waxa sal-dhig u ah Hooyadeed Xaliimo.Waxyaabaha ugu badan ee ay kala hadasho marka ay fasaxa isu-helaan waxa ka mid ah;inay Maanta joogto gurrii Aabaheed iyo Hooyaddeed,balse aanay taasi  berri jiri doonin oo ay noqon doonta Marwo reer leh,reerkaas-na hadba sida ay u dhaqdo uu noqon doono.Waxyaabaha ugu badan ee ay kala hadasho waxa ka mid ah habkii ay ula dhaqmi lahayd Sayga calafku isku simo haddii aanay teedda noqon,waxyaabaha bud-dhigga u noqda reer Waara iyo Nolol farxadeed oo ay gasho,ka dib marka ay ka gudubto marxaladda Shabaab-nimmo ee ay hadda ku jirto,doorka muuqda ee ay tahay inay ka ciyaarto muuqaalka guud ee Nolasha Qoyskeeda iyo kaalinta ay tahay inay mar walba taagnaato,si ay u muuqato inay dareen-santahay Masuuliyadda Saarran.

Waxyaabaha ay inta badan kala dardaaranto oo ka mid ah arrimaha ay tahay inay meel gaar ah  ku guntato ayaa waxa ka mid ah; Inay iska ilaaliso in lagu xanto inay tahay Qof dabeecad adag,qof aan qiimayn ehelkeeda,Jaarkeeda.In lagu xanto inay tahay;Mid aan kasoo bixin waajibka ka saran Qoyskeedda iyo saygeedda,in lagu tilmaamo mid aannu wanaagsanayn Sixadda guriggeedu,xiliyadda ay dadka kale soo booqdaan.Dar-daaranka,hogo-tusaalaynta iyo wax-u-sheegga ay Xaliimo Inanteeda kali ah ee uu Eebbe ugu deeqay ka sawkaw Shanta Wiil ay u joog-taynaysaa ma yara,waxaanay hal-hays u ah in haddii ay maanta dhimato ay noqoto gabadh isku fillan oo is-maamuli karta.

Cismaan,si uu si waafi ah uga helo xoggo lagu kalsoonaan karo,waxa uu wakhtiyo badan galiyay sidii  aanay waxba ku seeganin Cannab iyo macluumaadkeeda Nolasha,taas oo keentay in xiliyo iyo duruufo adag oo kusoo dul-maray ugu dulqaato. Waxa niyaddiisa ku jirta inuu maalin uun ka dhabayn doono Himiladdiisa oo aannu ku khasaari doonin. Waxa uu  qaaday talaabooyin dhawr ah,kuwaas oo kusii badsanayo kalsoonidda uu ku qabo inuu Cannab kaga go’aan qaato inuu badheedhihiisa u caddeeyo oo aannu noqon isu-qabbe,aan loo qabbin.

Taladda iyo tashigga dhinacyadda badan ee uu arrin bidiyaa ma yara,balse natiijooyinka ayaa koobban,kuwaas oo mararka qaarkood dhaawacaya hankiisa iyo ujeedka uu leeyahay,waxaana uu ku laab-qaboojisanayaa in wax aan dhib loo marrin,aan la dheefsan,sidaas darteedna ay muddan tahay in dhib kasta oo soo gaadhaysa uu dul-qaadkeeda lahaado,isagga oo maanka ku yaha inuu helitaanka Cannab kaga bogsan doono dhib kasta oo lasoo deristay xiliyaddii uu qal-qaalinta qorshan ku jiray.

Waxa ugu baddan ee naxdinta iyo wer-werka ku haya,ayaa ah;in sidaas uu is-ba ugu oomman yahay Cannab ay jiraan rag badan oo ka maal iyo moodba badan oo iyagguna dhinacooda dagaalka kaga jira,kuwaas oo ay suurag-galtahay inay kaga guulaystaan ama ay dhinacoodaba u badato,maadama ay kala yihiin waaxid iyo Wadar,suura-galna ay tahay inay wadartu xoog-roonaato.Maankiisa si fiican bay uga  ka dhaadhacsan tahay in Meel rag ku loolamayaa aanay xaalkeedu sahlayn,taas oo u baahan dedaal xooggan iyo Qorshe-yaal meel-mar ah oo guul la taaban karo lagu hananaayo.

Waxa kale oo Cismaan si weyn uga taxadirayaa inay arrintu sii baahdo oo ehel iyo asxaaba la wada ogaado,taas oo keeni doonta in natiijadda uu qorshahaasi kusoo gabo-gaboobo tognaan iyo tabnaanba sannado badan lagu sheekaysan doono.

Lasoco……..Qeybaha Danbe oo Xiiso gaar ah leh!
W/Q: Mohamed Hassan Daacad
Email:Daacad461@gmail.com